Nin Go`aansaday In Muddo Sanad Ah Hal Shabaq Kula Dhex Noolaado Labo Libaax Daawo

Tuesday, April 30, 20130 comments


Alexander Pylyshenko oo ah mulkiilaha xero lagu xanaaneenyo xaywaanada dalkaas Ukraine ayaa shaaca ka qaaday in uu qorsheynayo in muddo sanad ah uu hal shabaq kula dhex noolaado laba libaax oo aad u waa weyn sida bogga Bodditycentral uu u sheegay .

Waxa uuna tilmaamay in arinkaan uu uga gon leeyahay in uu ku aruuriyo qarahaad tabarucaad ah si uu ugu dhiso xarun lagu xanaaneeyo libaaxyada .
  
Alexander Pylyshenko ayaa horay u dhigay rikoor sanadkii 2011-ka ka dib markii 35 maalin uu hal shabaq kula dhex noolaa laba libaax oo waa weyn xiligaas oo uu la qeybsanayay hilibka , waxa uuna xiligaas ka dhex sameystay shabaqaas suuli si uusan uga bixin .

Waxaa la tilmaamayaa in xiligaas uu ujeedkiisa ahaa in sara loo qaado wacyiga daryeelka ilaalinta caafimaadka libaaxyada .

Alexander Pylyshenko ayaa internet-ka soo dhigay muuqaal isaga oo libaax shabaq kula jira waxa uuna tilmaamay in uu doonayo in uu alifo buug uu kaga hadlayo nolosha libaaxyada muddo sanad gudahood .













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog