Sheeko Qosol Bdan: nin bakhiil ahaa ayaa god ku dhacay balse bakiil nimadaa ayaa gaar siisay in godkii laga saari waayo layaab

Tuesday, April 30, 20130 comments


Nin bakhiih ahaa oo magaalada dhan ka caan baxay ayaa maalin maalmaha ka mid wax uu ku dhacay god aad u weyn, waxa uuna u baahday bad baado in dadku u fidiyaan, balse waxaa adkaatay in la bad baadiyo maxaa yeelay bakhiilkan ayaa lagu kari waayay in la bad baadiyo.

Dhamaan dadkii deriska ahaa ayaa ka quustay in godka laga soo saaro, markii danbe ayaase waxaa yimid nin dadka deegaanka ka mid ahaa oo si wacan u yaqiinay ninkaan iyo bakhiil nimadiisa.

Ninkii markii uu meesha yimid ayuu dadkii weydiiyay maxaa meesha ka jira?


Waxa ayna ugu jawaabeen hebel ayaa godkaas ku dhacay, maanta oo dhanna waxaan ka kari weynay gacantaada noo dhiib si aan kuu bad baadino.

Ninkii ayaa durbadiiba fahmay meesha xaaladu ka qurunsan tahay, waxa uuna u tegay ninkii godka ku dhacay ee bakhiilka ahaa waxa uuna ku yiri:

Walaal hoo gacanteyda qabso si aan kaaga soo saaro godka, Bakhiilkii ayaana sidaas kusoo baxay.

Ninka bakhiil ka ah ayaa moodaya gacanta loo taagaayaba in waxx looga rabo sidaas u diidanaa inuu gacanta soo taagto.






_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog