Nin aduunyo
Joogow maxaa aragti kuu laaban, maalinba maalinta ka dambeysa wax kugu cusub
ayaad maqleysaaye, gabar iyo wiil isku xaafad ah oo mudo ah iskala
sheekeysanayay Bogga xiriirka bulshada ee NIMBUZZ ayaa si layaab leh isu bartay
kadib markii gabar kale oo labaduba taqaanay ay si lama filaan ah ku
fashilisay.
Gabadha iyo Wiilka ayaa wexey horey
isugu sheegeen in midna uu joogo Finland midka kalena uu joogo Turkiga laakiin
markii labada magac ay gabadhaan sheegtay maxaa dhacay.
Gabadha wax fashilisay ayaa wexey si
gaar ah u taqaanay wiilka, wuxuuna yimid iyada oo la taagan gabadhaan kale,
markuu yimid ayey tiri Heblaayo wiilkaan Hebel ayaa la dhahaa, wuxuuna FACEBOOK
iyo NIMBUZZ ku is ticmaala magaca ah ………………………
Gabadhii inta ay indhaha taagtay ayey
aamustay, Gabadhii wax fashilisay ayaa hadalka sii wadata oo wexey tiri , Hebel
gabadhaan Heblaayo ayaa la dhahaa wexey iyana FACEBOOK iyo NIMBUZZ ku is
ticmaala magaca ah ………….
laakiin markii sidaas loo fashilmay
maxaa dhacay.
Wiilki ayaa si kusoo bood ah u Yiri
oo Heblaayadaan sow tey igu shukaansatay aniga Turkiga ayaan Joogaa, kkkk
Gabadhi ayaa iyana iska dhicisay oo tiri adiguba maxaad beenta ii sheegtay oo
aad ii tiri Finland ayaan joogaa waa adigaa Islii dhex wareegayee kkkk.
ugu
dambeyntii waa leys fahmay iyada oo fashil weyn uusan ka dhicin oo
dadkii ka agdhowaa aynaan waxba fahmin ayaa leysla tagay oo xaafada la wada
aaday.
Sheekadii Fashilaada Beenta ee Xalay
ka dhacday Xaafada Islii waa naga intaa.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
