Ragga Carabta oo aad u isticmaala Careemada Jirka (Skin Cream)

Monday, April 22, 20130 comments



Daraasaad ay sameeyeen Khubaro ka tirsan Shirkadda Seagull ee laga leeyaha Dalka Imaaraadka, ayaa lagu sheegay in inta badan Ragga ku nool Dalka Imaaraadka Carabta iyo Dalalka Gacanka Carbeed (GCC) ay aad u iibsadaan una isticmaalaan Careemka loogu tala galay Jirka.
  
Daraasaada ayaa lagu sheegaya inay Ragga Carabta aad u isticmaalaan Kareemooyinka loogu talla galay in la isticmaalo marka Garka la xiirto, kuwa loo isticmaalo inay jirka dhalaaliyaan (Skin shine), Kareemka looga hortago da’da, (Anti-ageing) iyo kuwa loo isticmaalo xoojinta Ragganimadda.

Ragga iyo Haweenka ayaa ku tartamayo Isticmaalka Kareemooyinka loo adeegsado qurxinta qeybaha Jirka, waxayna isku ciriiriyaan Xarumaha lagu iibiyo qalabka leysku qurxiyo.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa Dalka Imaaraadka ku soo kordhaya Warshadaha farsameeya waxyaabaha leysku qurxiyo (Cosmerics industry’s) oo suuq ballaaran ka helay Ragga iyo Haweenka Jirkooda qurxiyo.








_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog