Fanaanada codka macaan ee Xaawo Kiin ayaa sanadkaan 2013-ka, waxa ay lasoo
baxday dardar faneed iyadoo fanaanadu
soo saartay dhowr muuqaalka oo midba kan kale ka shidanyahay sanadkaan kaliya.
Guusha
ay fanka ka gaartay Xaawo Kiin iyo mudada ay ku jirto waa labo kala fog,
waxaana Kiin waqti gaaban ku heshay shacbiyad badan iyo weliba magac nuuraya,
waxaana taas sabab looga dhigay codkeeda macan.
Kiin
ayaa hada waxa ay soo saartay muuqaalka heesta "Gocasho" oo muuqaal
qurux badan laga sameeyay, waxaana erayada iyo laxanka heesta curiyay Abdi
Fatax Kaasiyo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com