Daraasad
la sameeyay ayaa sheegeysa in ragga nuuca ilka badanka loo yaqaan ama Lakabka
leh ay wayaan 90% ruux ay la wadaagaan nolosha taa oo logu macneeyay xasrada
xooga leh ilkihiisa saaran, waxaana sidoo kale daraasada lagu ogaaday in
haweenka inta badan aysan jecleen ragga nuucaasi ah.
Lakabka
ayaa ah Ilko badan oo isa saaran kuwaa oo keena mararka qaarkood jahwareer
dhanka Galmada ah gaar ahaan xiliga ciyaarta waxaana lagu bayaanshay
daraasadaan in ragaasi inta badan ay waayaan qof si toos ah ula wadaagta
nolosha waliba si kal-iyo-laab.
Amenty
waxa ay ka mid tahay gabdhaha wax ka barta Jaamacada Oxford ee dalka Ingiriiska
waxa ayna sheegtay xili laga wareesanayay TV ku yaal dalkaasi ragga nuuca ay
jeceshay ” waa in uu yahay mid murug leh oo soo jiidasho leh kuma xujeynayo
kalar ” ayay tiri gabadhaasi ayadoona sidoo kale gaashaanka ku dhufatay in ay
necebtahay ragga Lakabka leh oo ku sheegtay in ay yihiin Shayaadiin ay ka dido.
”
xiliga waxa ciyaarta ayaa waa xili aysan wanaagsaneen in lagu mashquulo wax ka
baxsan Galmada” ayay tiri gabadhaasi ayadoona dhanka kale sheegtay in ragga
nuceydaasi ah aysan waligeed la wadaagin xidhiidh haba yaraadee.
Daraasadaan
ayaa waxa ay dhanka kale cuqdad ku beereysaa ragga nuucaasi ah ayadoona
xiriirka labada dhinac ee ragga iyo dumarka inta badan uu ahaa mid lagu doorto
wanaaga caqliga ama wada noolaashanha waxa ayna noqon doonto dhacdadaan mid
haweenka ay iyana wax ku doortaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com