Cuqdadleey : Weli Ma Is Weydiisay Sababta Ninkaada Marka Uu Qalad Kaa Galo Uusan Kuu Raali Gilineyn?

Tuesday, April 23, 20130 comments


Haweeneyda ayaa saameyn nafsaani ah waxaa ku yeesha habka fal celiska ee gacaliyaheeda marka ay dood xooggan ay dhex marto , waxa ayna arkeysaa iyadoo ninkeeda uusan uga cudur daaraneyn ,markaas ayay in ay meel fariisato is caburineysaa isla markaana wel wel galeysaa iyaad oo sugeysa in ninkeeda uu ka raali giliyo waxii dhacay .

Hadaba gabaryaheey ogoow arimahaan waxa ninka ka hor istaagayaan in uu ku cudur daarto ee il gaar ah isaga yeelo.

* Haddii uu ninkaada xiliyo horay oo uu ku cudur daartay adna aadan saamixin waxa uu niyadiisa iska leeyahay isla markaana cudurkaasiisa uu ka soo gaarayo dhaawac maxaa yeelay waxa uu ka baqaya in aad ka diideyso , gaar ahaan isaga oo tix raacaya waxii hore ee dhacay , waxa uuna aaminayaa in aad tahay gabar qalbi madoow mar walibana aad soo xasuusaneyso waxii uu horay uu kugu sameeyay taasina waxa ay keeneysaa in uusan kuu cudur daaran .

* Haddii aad ku qaldan tahay waxa aad sameyeneyso ee doodda keenay waad huradaa ha sugin waligaa in uu ku cudur daarto, waxaana haboon in aad adiga bilaawdo raali gilin iyo cudur daarka.

* Ogoow in ay jiraan qaar ka mid ah ragga oo u arka in ay u cudurdaartaan haweenka in ay tahay dulinimo , waana ragga aaminsan isla weynida xittaa haddii uu qaldan yahay lagama yaabo in uu ku cudurdaarto ayay newbanaadir.com ku leedahay ee waxaa kula gudboon in aad sugin oo adiga sameysid arintaas si xal loo helo.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog