Fanaanada
sida lama filaanka ah ugu soo biirtay heesaha xamariga ee lagu lifaaqo
ciyaaraha niikiska ee Sahruuja ayaa xaqiijisay in uu jiro war dhowaanahaan la
isla dhex marayay oo ahaa in Khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay iyada iyo
soo saaraheedii hore Ibraahim Eagle.
Muuqaalka
ugu dambeeyay ee heesteeda Meer meertoy oo dhowaan ay soo saartay oo uu u soo
saaray soo saare kale oo lagu magacaabo Samatar Saciid Salah ayay ku cadeysay
in ay kala guureen Ibraahim Eagle.
Khilaafka
keenay in ay kala guuraan Sahruuja iyo Ibaarim Eagle ayaa waxa uu ka dambeeyey
Muuqaalkii heestii Macaanka Jaceylka oo Sahruuja ay dalbatay in laga saaro Youtube
ka kadib markii lagu dhaliilay qaabka ay ugu dhex muuqatay oo inta badan
kaamirada ay ka qabanayso qeybta dambe ee jirkeeda ama dabadeeda oo ruxmayso.
Ibraahim
Eagle oo waqti badan galiyay duubista iyo baahinta Muuqaalka Heesta ayaa aad
ugu xumaaday markii ay ka dalbatay in laga saaro, waxa uu isku dayay in uu ka
qanciyo una sheegay in ay tahay Fanaanad Niikisa oo marnaba aanan ka
baxsaneynin in laga duubo qeybteeda danbe oo ruxmaysa balse way qanci waysay
ilaa ay ku qasabtay in Youtube ka uu ka saaro Muuqaalka Heesta, sidaas ayayna
ku kala furteen Sahruuja iyo Ninka soo caan bixiyay.
Balse
waxaa la yaab noqotay kadib markii Muuqaalkeeda ugu dambeeyay ee uu u sameeyay
Samatar Said Salah ay la soo shir tagtay qaab waxba aanan ka duwaneyn kii ay ka
xanaaqday oo laga dhex arkayo iyadoo xiran funaanad iyo surwaal ku dhagan oo
muuqaalka xubnaha jirkeeda laga daalacan karo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com


