Nin Shaqadiisa aay Tahay in uu Buuq iyo Qeylo Ka Dhex Abuuro Aroosyada

Sunday, April 28, 20130 comments


Ku dhowaad konton qofood oo haween u badan ayaa ku xoonsanaa, mid kasta meel uun oo korkiisa ka mid ah ayay intii ay ka gaari kartey kaga dhufaneysay, waxaana baxayay sawaxan iyo qeylo dheer oo isku darsan, inkastoo hadaladii ay dhahayeen aysan ahayn wax isku aadan.

Ninka oo ah dhalinyaro da’ sodomaadka qiyaastii ah, markii aan is dul taagay, intii aan laga celin hablihii ku xoonsanaa, suuro gal ma ahayn in aad si saani ah u aragto, sida loo dul tubnaa darteed.

Hase yeeshee, Ninkan ayaa la ii sheegay in dhibkan uu ugu dhacay, kadib markii uu dabcay in uu joojiyo xaflad aroos ah oo socotay, isagoo tirsanaya in arooska uusan dhici karin, uuna yahay sharci darro.

Qaar ka mid ah goob joogayaasha ayaa ii sheegay in Ninka uu yimid guriga arooska uu ka dhacayay, kuna dooday in gabadha la aroosayay uu isugu qabay, kuna qabay Qudbo siro, sidaasi oo ay tahayna aaney suuro gal ahayn in nin kale uu arooso.

Arrintan oo sida la sheegay ay ka caroodeen qoyska gabadha dhalay ayaa keentay in markii lala hadley dhowr jeer uuna diidey ay u gacan qaadeen.

Qaar ka mid ah ehelada wiilka gabadha aroosayay ayay arrintani shaki ku reebtay, inkastoo dad yaqaana ninkan doodaha ay sheegeen in ninkani ay caado u noqotay in uu buuq iyo qalalaaso ku furo aroosyada dhacaya, asaggoo marka uu doodayo la imaanaya magaca gabadha ilaa kan hooyada, iyo mararka qaar warqad meher cadeyneysa oo intaba la sheegay in ay been abuur yihiin, hase yeeshee tuhun weyn dhalisa ama in xaglaha la is aadiyo. 




_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog