Jimicsiga xilliga uurka la leeyahay
Wuxuu Hagaajiyaa aalamiintada
Wuxuu caawiyaa in lala tacaalo isbaddallada yimmaadda xilliga uurka.
Wuxuu dadajiyaa sidii looga soo kaban lahaa dhalmada
Wuxuu kobcin karaa niyadda
Wuxuu ka hortagi karaa cilladaha dhabarka, bararka lugaha, xididdada oo gufeysma, baabasiirka iyo miisaanka oo kor u kaca.
Jooji hab jimicsiyeedkaaga, haddii aad isku aragto cilladaha soo socda.
Dhiig dhex dareedaraya xubnaha laga dhalo
Fool xoog badan oo xanuun leh
Haddii shaki kaa galo iney kaa socdaan biyaha ilmaha.
Madax xanuun, wareer, neefta oo kugu dhagta ama neeftuur xoogan
Daal aad u xoog badan ama tabar darro
Kubka oo ku xanuuna ama barara (waxaa macquul ah inuu jiro gufeys ).
Kala sheekeyso sii waditaanka jimicsiga dhakhtarkaaga haddii aad isku aragto dhibaatooyin ama cillado kale xilliga uurka.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com