Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo
Maxamed iyo Kariima, Maxamed ayaa ka sheekeeyay qisadaan oo mid xamaasad leh
ah.
Waxaan
ku dhashay magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, waxaana kusoo barbaaray isla
magaaladda, waxbarashadeeda ayaa waxaan kusoo qaatay iskuulka Al Aqsa Secondary
School oo kuyaalla isla magaaladda Boorame ee gobolka Awdal.
Kariima
ayaa waxay ku dhalatay magaaladda Abu Dubai ee dalka Emirate-ka Carabta, balse
waxay ku barbaartay Boorame, waxayna ila dhigan jirtay iskuulka, balse waxaan
kala ahayn kala fasal, oo aniga ayaa hal fasal ka sareeyay, waxaana Kariima
isku baranay maalin maal-maha kamid ah ayaa fasalka aan dhiganaayay waxay isku
soo duba-rideen barnaamijsi wanaagsan u soo jiitay ardaydii dhiganeysa iskuulka
oo idil.
Intii
uu barnaamijka socday ayaa waxaa maqlay dhalinyaro fara-badan oo oraneysa (gabadha
Kariima ah aad bay u qurxoon tahay ee waa inaan gacanta ku dhignaa), durbaba
waxaa anna go-aansaday in aan gacanta ku dhigo oo aan kaga hormaro wiilashaasi,
nasiib wanaag sidii ayaa dhacday oo Kariima waxaa isku baranay barnaamikaasi oo
uu soo qaban qaabiyay fasalkayga, waxaana Kariima ka qaatay teleefan u gaar ah
oo ay laheyd.
Kariima
waxaanu noqonay laba qof oo si wanaagsan isku xiriiriya, anna waxaan dareemay
in aan u qaaday jaceyl diiran, balse maanan u sheegan intii hore, iyadana
waxaan ka dareemay in ay idooneyso, bacdamaa sida ay igu warami jirtay, si
aysan ugu waramin qeybaha kale ee bulshada, waxaana xilliyada qaarkood aadi
jirnay faras magaalaha, oo aanu kusoo qaadan jirnay waqti wanaagsan.
Waxay
Kariima i bartay qoyska ay ka dhalatay oo ahaa dad wanaagsan oo si weyn i soo
dhaweyn jiray, waxaana wada soconay in ka badan afar sano, isla xilligaasi
dalka Shiinaha ayaa waxaan ka helay deeq Jaamacadeed, xilli aan ku
mashquulsanaa waxbarashada aan ka helay dalka Shiinaha, ayaa waxaa habeen habeenada
kamid ah i soo wacday Kariima waxayna ii sheegtay in qoyska ay ka dhalatay ay
la-doonaayaan wiil joogga Boqortooyada Ingiriiska, kaa oo ay qaraabo dhaw
yihiin, islamarkaana wuxuu hadalkaasi uu igu noqday mid layaab leh, deetana
waxaan ku iri taasi shaqadeedu maaha ee adiga ayay kuu taallaa, kadib waxaan ku
jaray teleefankii.
Cabaar
ayaanu kala caroonay, hase ahaatee waa ay i soo wacday, waxayna ii sheegtay in
ay qalad iga gashay, waxayna iga codsatay in aan iska cafiyo, iyadoo intaasi ii
raacisay in aysan nin kale naagtiisu
noqoneyn
aniga maahee, deetana waxay ku dhaaratay Kutubka Quraanka Kariimka ah, in aysan
nin kale guursan doonin, markaas ayaa waxaa ku qancay Kutubka ay ku dhaaratay
anigoo is-dhahay nin kale kaa raaci meyso.
Muddo
kadib ayaa waxaa magaaladda Boorame soo gaaray ninkii ay qoyskeedu doonayaan in
ay ku daraan, kaasoo ka yimid dalka Ingiriiska, wuxuuna kasoo doontay
qoyskeeda, isla-markaana qoyska Kariima ayaa si weyn ugu faraxsanaa in uu
gabadhoodu guursado nin ka yimaaday mid kamid ah dalalka horumaray.
Kariima
ayaa ii sheegtay halka ay xaaladdu mareyso, waxaana ku iri adiga ayay tallo
gacantaada ku jirtaa, kadib waxaan iskaga soo baxay magaaladda Boorame, waxaana
waxbarasho u soo doontay dalka Shiinaha, maadaama aan ka helay deeq waxbarasho,
markaan cabaar joogay Shiinaha ayaa waxaa maqlay in la-guursan rabo Kariima,
hase ahaatee maanan deg degin oo waan is-dejiyay.
Waxaa
khadka Internetka ku arkay Kariima, iyadoo ii sheegtay in uu guursan rabo ninkii
ay qaraabada ahaayeen, isla-markaana waxay ii sheegtay in ay iyadu ku qanacsan
tahay, anna waxaan ku iri, maadaama aad ku qanacsan tahay Allaha iskukiin
barakeeyo, sidaasi ayaanu ku kala tagnay, ninkii ayaa guursaday horey ayuuna u
sii ka xeystay xaaskiisu.
Iyadoo
ay xaaladdu igu xun tahay ayaa waxaa xiriir ila soo sameysay gabar ay saaxiibo
ahaayeen Kariima, laguna magacaabo Caasha, waxayna ii sheegtay in ay Kariima
qalad weyn iga gashay, waxayna igu baaqday in aan iska samro, muddo kadib
sidaan isku xiriirineynay Caasha, ayaa waxay Caasha ii sheegtay in ay wax kasta
oo ayila qaban karto ay ila qabato, muddo kadib ayaa waxaanu isku af-garanay in
aanu isguursano.
Inta
uusan guurkaynu dhicin ayaa waxaa maqlay in Kariima iyo ninkii qabay ay kala
tageen, islamarkaana Kariima ayaa waxay maqashay in aanu wada socono Caasha,
mar dhawna aanu aqal gelli doono, hase yeeshee si weyn ayay uga maseertay,
kadib waa ay ila soo xiriirtay, iyadoo joogto dalka Ingiriiska, waxaana u
sheegay in aan Caasha guursan rabo, waxaana u sheegay haddii ay diyaar tahay in
ay kasoo qeyb gelli karto guurkayna oo ka dhici doono Boorame, wayna iga
aqbashay.
Waxaan
tagay magaaladda Boorame si aan ula soo aqal-gallo Caasha, sidoo kale Kariima
ayaa iyana soo gaartay Boorame, si ay uga soo qeyb gasho guurka aniga iyo
Caasha, waxaana ka dareemaayay Kariima in ay si weyn uga xun tahay guurkayna,
balse waxaan la-aqal gallay Caasha.
Intii
aan ku sugnaa Boorame ayaa dhawr jeer wada kullanay Kariima, waxayna ii
sheegtay in ay ka xun tahay qaladka ay iga gashay, isla-markaana waxay iga
codsatay in aan guursado anigoo qaba Caasha, isla-markaana waxay ii sheegtay in
ay si-weyn ii jaceshahay.
hadaba
akhristayaasha sharafta leh ee ku taxan Shabakadaan waxaan ka codsan lahaa in
ay arintaan igala
talliyaan, maxaa yeelay Caasha si weyn ayaan u jeclahay, saa waa xaaskayga,
Kariimana si weyn ayay ii dooneysaa ileen iyadaa i jacel.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com