Haweeney
ku nool xeryaha barakacayaasha magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in
kufsi loogu geystay halkaas ka dib markii uu nin hubeysan uu gurigeeda ugu soo
dhacay kuna kufsaday wiil yar oo ay dhashay hortiisa.
Haweeneydaan
oo aan magaceeda la shaacin laguna soo gaabiyey Fartuun arimo la xiriira
amaankeeda awgeed ayaa waxay dhawaantaan wareysi siisay telefishinka BBC ayaa
waxay sheegtay inay gurigeeda ama teendhada ay ku nooleyd uu ugu soo dhacay nin
ku hubeysan qori xilli ay ahayd saq dhexe oo habeenkii ah ka dibna uu halkaas
uu ku faraxumeeyey ama uu ugu geystay kufsi xilli uu falkaas arkaayey wiil yar
oo ay dhashay , haweeneydaas ayaa waxay ku cabaaday inaysay helin wax caawinaad
ah ama wax u soo gurmaday, ninkii kufsiga u geysanaayey ayaa waxaa uu u sheegay
inaysan hadlin ama aysan qeylin islamarkaana aysan ka hor imaan oo aysan diidin
inuu kufsado hadii kalena uu dili doono.
Ugu
dambeyntiina iyadoo haweenka ku jira xeryaha barakacayaasha magaalada Muqdisho
ay ka cabayaan in loo geysto kufsi baaxad weyn leh ayaa warbixin laga
diyaariyey arintaas waxaa ay sheegtay in sanadkii la soo dhaafaay oo kaliya la
diiwaan galiyey ilaa 1700 oo kiis oo ah haween lagu kufsaday xeryahaas
barakakacayaasha ee ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoona inta badan kufsashada
haweenkaas lagu eedeeyey inay geeystaan qaar ka mid ah ciidamada dowlada, Sidoo
kale ayaa dowlada Soomaaliya oo marar badan ka hadashay arintaan waxay u
muuqataa inaysan wax muuqda oo la taaban karo aysan ka qaban iyadoona ay wali
jiraan in haweenkaas masaakiinta ah loogu dhaco habeen kasta guryahooda laguna
kufsado taas oo keentay inay haweenkaasi ay ku noolaadaan cabsi joogto ah oo
ayna ku seexdaan habeen kasta cabsidaas.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com