Waxaa jiri jirtay jaziirad ay kuwada noolaayeen dareemaha kala ah: farxad,
murug (tiiraanyo), aqoon, taajirnimo, iyo kuwa kale oo jacaylku kamid yahay.
Maalin
maal maha kama mid ah ayaa waxa la shaaciyay inay jaziirada biya qaadi doonaan.
Markaas ayay dhamaan dareemihii wada dhisteen doonyo, ay kaga tagayaan
jaziirada.
Hase
yeeshee Jacayl ayaa ku haray jaziiraddii, isagoo rajeynaaya wanaag.,Hase
ahaatee markii uu Jacayl naftiisa arkay inay jaziirada biyo qarqinayaan ayaa
wuxu dalbaday kaalmo.
Waxa
soo martay Taajirnimo oo wadata doon aad u qurux badan Jacayl oo war warsan.
Kadib ayuu Jacayl waydiistay kaalmo isagoo yidhi: Taajirnimooy ma i qaadi
kartaa? Taajirnimo ayaa dabadeed ku jawaabtay: Maya, dahab iyo guryo ayaa
halkan iiga buuxa, meel aan ku saaraana ma jirto.
Dhalanteed
ayaa hadana soo maray isagoo wata doon qurux badan. Jacayl ayaa kaalmo
waydiistay balse Dhalanteed wuxuu ku jawaabay: Saaxiib kuma qaadi karo, waad
qoyantahay. Doonta ayaad iga xumaynasaa. Murugo ayaa deedna soo martay.
Jacayl
ayaa hadana kaalmo waydiistay balse Murugo waxay ku jawaabtay: Jacaylow anaaba
murugo i haysataa ee ina kala dheeree. Farxad ayaa soo martay xeebta.
Jacayl
ayaa qaylo dhaan gaarsiiyay, balse Farxadi waxayba ku faraxsanayd inayna maqlin
qaylo dhaanka jacayl. Xaaladu markay halkaas marayso ayaa Jacayl wuxu maqlay
cod leh: Jacaylow kaalay anaa ku saari doontaydee. Doontii ayuu raacay isagoon
ogaanin waxa wata doonta farxad darteed.
Kadib
markii uu yimid dhul uu ku badbaado ayaa wuxu Jacayl waydiiyay Aqoon cida soo
badbaadisay. Aqoon ayaa ku jawaabtay inuu ahaa ruux da´ah oo cimri taagan.
Markaas ayuu Jacayl waydiiyay Aqoon waxa keenay inuu ruux da’a ahi badbaadiyo,
kana aqbalo qaylo dhaankiisa.
Aqoon
ayaa ku jawaabay: Ruux da’a ah kaliya ayaa wuxuu jacayl ku fadhiyo yaqaano.
Sheeko murtiyeedan ayaa waxa laga dhadhan sanayaa ayay Newbanaadir.com ku
leedahay in aanay dad badani si fiican u dhuuxin erayga jacayl oo aanay
micnihiisa balaadhan u aad u fahmin. Hase yeeshee waxa taa ka duwan dadka
dunida kusoo noolaa mudada dheer ee soo arkay qaybo badan oo kamid ah waayaha
nolosha kuwaasina waxa ay uga dhowyihiin dadka da’dayar in ay fahmaan macnaha
ku jira erayga jacayl iyo nuxurka uu xambaarsan yahay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com