Mid ka mid ah wariyayaasha ugu caansan Soomaaliya oo noqday aktar ama atoore si uu ugu qeyb qaata Filim(Daawo Muuqaal +Warbixin)

Saturday, April 13, 20130 comments

Mid ka mid ah wariyayaasha ugu caansan dalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inuu noqday aktar ama atoore oo uu isu badalay inuu ka qeyb qaata jilida filimada iyadoona uu filimkiisii ugu horeeyey uu soo bixi dhawaantaan.

Wariye AXmed Xasan Cowke oo ka mid ah wariyaasha Soomaaliyeed ee caanka ah islamarkaana ah ruug cadaa ka soo shaqeeyey idaacado iyo telefishinada dalka Soomaaliyeed wax badana ku soo dhex jirey howlaha warbaahinta ayaa waxaa la sheegay inuu noqday jilaa asagoona dhawaantaan ka mid ahaa aktarada wax ka jilaayey filim ka hadlaayey dhibaatada ay dagaaladu ku hayaan dalka Soomaaliya, Filimkaan ayaa waxaa lagu magacaabaa I AM waxaana lagu jilay duleedka magaalada Hargeysa iyadoona uu filimkaas ku jilaayo wariye ama atoore Axmed Xasan Cowke odey dhaqameed lag dambeeyo oo ku nool tuulo.

Ugu dambeyntiina iyadoo wariye Axmed Xasan Cowke uu la soo baxay xirfadaan cusub ee jilaanimada ah ayaa mar uu ka hadlaayey arintaan waxaa uu sheegay inay tahay shaqo dhib badan marka loo eego weriyanimada oo uu ku sheegay mid uu qofku yahay xor oo uu asagu is maamulaayo laakiin jilaanimada ay tahay mid maanta oo dhan wax laguu sheegaayo oo lagaa rabo inaad u sameyso sida ay u rabaan dadka filimkaas sameyntiisa gacanta ku haayo.


    
Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog