Caasho Xaaji Cilmi, xildhibaanad, xaaska Ra'isulwasaaraha
Caasho Xaaji Cilmi, xildhibaanad baarlamaanka ka tirsan, iyo xaaska Ra’isulwasaaraha ayaa ka hadashay dadaalada looga hortagayo kufsiga iyo gabood falada loo geysto haweenka, iyada oo ku sugan London ayay waraysi siisey wargeyska Therepuplica ee dalka Talyaaniga kasoo baxa.
Waxa ay sheegtey in la qaaday talaabooyin badan oo dumarka ku dhiirogalinaya in ay soo sheegaan haddii kufsi loo geysto halkii markii hore ay isaga aamusi jireen.
Waxa ay sheegtey in kooxo fanaaniin ay ka codsadeen in ay sameeyaan heeso kufsiga dadka looga wacyi galinayo, kuwaasi oo haatan ay sheegtey in taleefoonada lagu shubtey oo ay dhawaaqaan marka uu taleefoonka soo dhoco.
Mar wax laga weeydiiyey tirada dumarka la kufsaday ayay sheegtey in aanan la ogaan karin, balse ay tahay tiro badan, iyada oo intaasi ku dartay in kufsiga uu ka mid yahay dhibaatooyinkii laga dhaxlay 20kii sanno ee burburka lagu jirey.
” Waxay u baahanyihiin daryeel, adeeg bulsho, tiiraanyo bixin iyo talo maskaxeed, kuwa aanan dib dambe u guursanin ee garoobada ah waa in la siiyaa sadburin dhaqaale oo lagu kabayo noloshooda”.
Waxa ay sheegtey in rajaynayso in mar aan fogeyn Muqdisho lagu qaban doono shirweyne caalami ah oo looga hadlayo xuquuqaha dumarka.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
