DAAWO Kiiskii Wiilashii Qarxiyay magaalada Boston ee dalka Mareeykanka oo Wajib cusub yeeshay

Friday, May 3, 20130 comments



Kiiskii Qaraxyadii ka dhacay magaalada Boston ee dalka Mareeykanka 15-kii bishii Apriil ee sanadkaan 2013-ka ayaa waxa uu iminka sheegay waji cusub ka dib markii mid ka mid ah Bambaanooyinkii Qaraxyada laga sameeyay laga helay Dhiig ama faro Dumar.

Ciidamada Booliiska FBI-da dalka Mareeykanka ayaa durbadiiba waxa ay wareeysi iyo baaritaan dheer la daba kaceen Haweeneeyda lagu magacaabo Katherine Russell oo uu qabi jiray mid ka mid ah wiilashii Qaraxaan lagu soo eedeeyay kaas oo geeriyooday laguna magacaabi jiray Tamerlan Tsarnaev (26-jir) .
  
Katherine Russell oo 24 jir ah una dhalatay dalka Mareeykanka waa gabar Muslimtay oo uu guursaday Tamerlan Tsarnaev waxeeyna u dhashay gabar yar oo lagu magacaabo Zahara taas oo 4 sano jir ah.

Ciidamada Booliiska FBI-da dalka Mareeykanka oo Dhiig ama fara Dumar ka soo helay mid ka mid ah Bambaanooyinkii lagu qarxiyay magaalada Boston ayaa iminka waxa ay baaritaan kula dhaqaaqeen hooyga ama Guriga Katherine Russell ilaa Guriga Aabaheed oo ah nin dhaqtar ah oo waliba si weeyn looga yaqaan magaalada Boston iyo nawaaxigeeda.

Qaar ka mid ah Warbaahinta dalka Mareeykanka oo daba dhigatay Ciidamada Booliiska FBI-da waxa ay sheegeen in Dhiiga ama Faraha ay leeyihiin waanu soo helnay in uu noqon karo mid ka mid ah dumarkii uu Qaraxaas wax yeeleeyay ee taagnaa goobtii uu ka socday tartanka Oradka ama Marathon-ka (DNA).












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog