Ninyahow Afartaan Haween Yeena waqtiga Kaaridin Guur Magalaane….

Friday, May 3, 20130 comments



Waxaa jira ninyahoow arimo badan oo ay haboon tahay in aad wax ka ogaato ka hor inta aadan guur sameyn oo aad il gaar ah isaga yeelato haweenka tilmaamahaan leh .

* Haweeneyda U Dhaqanta Sida In Ay Nin Tahay : haweeneyda waxa ay ku qurux badan tahay haweenimadeeda ogoow ragga kama helaan haweenka jecel in ay sameeyaan wax waliba oo ninka uu sameeyo oo qaabka ay u dhaqmeyso aad moodo in ay nin tahay .

* Midda Madaxa Adag : waa mid mar waliba isku dayda in ninkeeda ku qanciso afkaaro qaldan , waa mid aan aqoon mahad celinta oo ay adag tahay in la qanciyo.

* Midda Neerfoosaha Ah : waa mid xanaaqeeda dhaw yahay wax yar ayay hawada ku galeysaa , waa mid marka ay xaanaqdo dharkeeda ku qamaameysa iyo in wajiga iska dharbaaxdo isla markaana nasiibkeeda wax ka sheegeysaa shumis.net waxa ay ku leedahay haddii nin aad u dul qaad badan tahay oo awooda in uu dajiyo dhib kuma jirto in aad wax la wadaagto midda tilmaamahaan leh .

* Midda Diinta Yar : waa mid aan dan ka laheyn arimaha diinta , waxa ay soo bandhigtaa quruxdeeda oo bananka ayay keenya, ragga ayay u qososhaa haddii la wacdiyana waxa ay ku leedahay Iimaanka Qalbiga ayuu jiraa .






_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog