Daawo Muuqaal: Biriq ku dhacday xarun Xaflad ka socotay oo dalka Jarmalka ku taal (Muuqaal+Warbixin)

Monday, May 13, 20130 comments


Daawo Muuqaal: Biriq ku dhacday xarun Xaflad ka socotay oo dalka Jarmalka ku taal (Muuqaal+Warbixin)

Goob xaflad iyo dabaaldeg balaaran ay ka socotay kuna taal gudaha dalka Germany ayaa mar quraa lagu kala cararay ka dib markii Biriq cirka ka soo dhacday ay ku habsatay goobtii xaflada iyo Damaashaadka uu ka socday.

40 Qof ayaa dhaawacyo culus soo gaareen waxeeyna Biriqdii halkaas ku dhacday jar jartay qaar ka mid ah geedihii xaruntaas ku yaalay. Ciidamada gurmadka deg dega ah ayaa goobtaas gaaray waxaana dadkii dhibaatada soo gaartay lagu daabulay Diyaarado Helikoptaro ah.

Dhegaha dadka Caalamka ayaa inta badan maqlo meel la qarxiyay ama Madaafiic ku habsatay balse waa markii ugu horeeysay oo ay Biriq cirka ka timid ay kala buriso dad xaflad ku dhiganayay mid ka mid ah dalalka Dunida ugu Nabada wanaagsan.







_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog