Xildhibaan ka tirsan Baarlabaanka Soomaaliya oo Si Kulul Uga Jawaabay Digniintii ka Soo Yeertay Maamulka Puntland.

Monday, May 13, 20130 comments



Xili Maalintii shalay Maamul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland  uu ka digatay Khilaaf Sookala dhxgala Madaxda Dowlada Dhexe ee Soomaaliya taasoo ay sheegeen in ay wadaan Qaar kamid ah Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya ayaa Xildhibaanada Diyaarinaya Mowshinkaasi waxa ay si kulul uga jawaabeen fariinta Puntland.

Xildhibaan Cismaan Muqtaar Maxamed oo ka mid ah Mudanayaasha wada qorshahaasi ayaa sheegay in Puntland ay u arkaan inay faragalineso wax aan shaqadeeda aheyn oo xitaa aysan ka hadlin karin sida uu hadalka u dhigay madaxda sare ee dowladda.

“Barlamanka isaga ayaa awood u leh in uu la xisaabtamo Xukuumadda cid ka hadli karta arrintaasina ma jirto ujeedkeena waxa uu yahay in aanu wax saxno oo aan la xisaabtano Xukuumadda” ayuu yiri Xildhibaanka.

Cismaan Muqtaar Maxamed ayaa sheegay ujeedka Mowshinka uu yahay in la saxo qaladaad badan oo ay gashay sida uu hadalka u dhigay Xukuumadda taasna ay xaq u leeyihiin.






_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog