Daawo:
Odayaasha Beelaha Hawiye oo si kulul uga hadlay Mooshinka Dr Saacid iyo Shirka
Kismaayo
Odayaasha
Beelaha Hawiye ayaa ka hadlay mooshin ay wadaan siyaasiyiin, xildhibaano iyo
waxgarad, kaasoo ay damacsan yihiin inay xilka kaga tuuraan Ra’isul wasaaraha
Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Afayeenka
Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay inay si kulul u
cambaareynayaan kuwa wada mooshinka ka dhanka ah Ra’isul wasaaraha Soomaaliya,
wuxuuna sheegay in madaxda Dowlada ay isku fiican yihiin oo aan xiligan loo
baahneyn in la isku diro.
Sidoo
kale waxaa uu ka hadlay wafdigii dhawaan laga soo celiyay Magaalada Kismaayo,
isagoo Kismaayo ku tilmaamay magaalo gacanta u gashay dalka Kenya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com