Weriyaha idaacada wareegta oo nafsadiisa qatar gashay ka dib markii ay qafaasheen laba nin o hubeysan!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Tuesday, May 14, 20130 comments

Weriyaha idaacada wareegta oo nafsadiisa qatar gashay ka dib markii ay qafaasheen laba nin o hubeysan!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)     


Weriyaha idaacada wareegta ayaa waxaa la sheegay inay nafsadiisa ay qatar gashay ka dib markii ay dhawaantaan ay qafaasheen laba nin oo hubeysan islamarkaana

Maxamed Xasan Maxamed oo ay Soomaalida u taqaano Idaacada wareegta ama Cowke islamarkaana ku caan baxay inuu matelo oo uu iska dhigo codadka dadka ku caan ah bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda gaar ahaan madaxda iyo wariyayaasha caanka ah ee Soomaalida ayaa waxaa la sheegay inay dhawaantaan ay qafaasheen laba nin oo hubeysan, ninkaan oo fursad yar ka helay nimankaas qafaashay ayaa waxaa uu xiriir la sameeyey qaar ka mid ah war baahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho asagoona ka codsaday in deg deg laga soo gaaro oo loo gurmado, ninkaan oo ay hadlkaiisu ka muuqato cabsi iyo naxdin weyn ayaa sheegay in lagu haysto guri ku yaal xaafada Gubta ee magaalada Muqdisho islamrkaana codsaday inay u soo gurmadaan ciidmada dowlada oo ay badbaadiyaan.

Ugu danbeyntiina iyadoo ninkaas uu markii danbe ay soo badbaadiyeen ciidamada dowlada Soomaaliyeed islamarkaan ay geeyeen oo ay ku hubsadeen xaafadiisa ayaa Maxamed Xasan Maxamed ama idaacada wareegta waxaa uu sheegay inuusan aqoon nin cida ka danbeysay falkaas iyo ujeedka ay ka lahaayeenba, ninkaan ayaa waxaa uu sidoo kale uu u mahad celiyey ciidamada dowlada iyo warbaahinta magaalada Muqdisho oo ka qeyb qaadatey soo badbaadintiisa, Falka ninkaan oo aan wali sheegin cida ka danbeysay ayaa waxaa loo malaynayaa inay ka danbeeyeen maleeshiyaadka kooxda Alshabaab oo ku caan baxay dilida iyo dhibaateynta dadka Soomaaliyeed aan waxba galabsan.






Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com





_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog