Daawo
Video Cajiib Ah: Nin Khamaar Ahaan U Dhigtay Xaaskiisa Oo Laga Guulaystay.
Nin
u dhashay dalka Hindiya ayaa xaaskiisii waayay kadib markii khaamar u dhigtay
lagana guulaysatay.
Nin
ayaa khamaarka la ciyaarayay niman kale oo tiradoodu kor udhaafayso todobo
ruux. Ninkaan ayaa marka laga guulaystay waxaa guriigiisa yimid nimankii si ay
u kaxeeystaan naagta ay khamaarku kugu guulaysteen balse nasiib wanaag iyadoo
umalaynaysa tuugo usoo dhacday gurigeeda ayay waxay ka booday daaqad waxayna
durbadiiba arinkii ku wargelisay.
Booliiska
baaritaan dheer ku sameeyay arinkaas ayaa soo ogaaday in ninkeedu khamaar ahaan
u dhigtay lagana guulaystay. Haweeneeydaan ayaa doonaysa inay iska furto
ninkaan oo ay sidoo kale ku eedaysay hada ka hor inuu ku qasbay inay galmo la
samaysay dumaashigeed.
Arintaan
naxdinta leh ayaa ka dhacaday deegaanka lagu magacaabo Ghaziabad ee wadanka
Hindiya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com