Askari ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dukaan wax ka iibsanayay ayaa lagu dilay xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa, iyadoo weerar bambaano lagu qaaday ciidamada dowladda oo howl gal ka sameynayay xaafadahaas.
Wararka ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysan bastoolado ay askariga toogteen, isagoo dukaan ku yaal bartamaha Suuqa wax ka iibsanayay, iyadoo ay baxsadeen kooxihii dilka geystay.
Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dilka kadib ay ciidamada howl gal ka sameeyeen Suuqa Xoolaha ilaa Sos, ayna ku qab qabteen dad lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Shabaab.
Hase ahaatee Sarkaalkan ayaa sheegay in intii howl galka wadeen lagu soo weeraray bam gacmeed, isagoo ku eedeeyay in shacabka ku dhaqan xaafadaha Huriwaa ay taageersan yihiin Shabaab.
Dhowaan ayay aheyd markii Sheekh C/qaadir Muumin uu sheegay in Al-Shabaab ay maamulaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan Suuqa Xoolaha, Waxarcade, Gubta iyo jidka Warshadaha.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com