Daawo Video Haweeneey Gashay Kaalinta 1-aad Ee Dadka Sida Weyn Loo Raadinayo, Qofkii Soo Sheega 2 milyan Oo Doolar Ayuu Mutaysanayaa
FBI-da Mareeykanka ayaa u balan qaaday 2,000,000 Dollar qofkii keena warbixin ku saabsan haweeneey aad u doon-doonayaan.
Haweeneeydaan ayaa gashay kaalinta koobaad ee argagixisada aduunka ee sida weyn loo doon-doonayo. Naagtaan ayaa lagu magacabaa Joanne Chesimard waxaana loo haystaa inay ku lug lahayd xasuuq dhacay 40 sano hor. Naagtaan ayaa la sheegay inay gacanteeda ku dishay nin la oran jiray Werner Foerster sanadkii 1973.
Haweeneeydaan ayaa waxa horay gacanta ugu soo dhigay ciidamada Mareeykanka waxaana lagu xukamay xabsi daa'in balse waxay ka fakatay xabsigii ay ku jirtay 1979-kii. Haweeneeydaan ayaa waxaa la tuhunsanyahay inay ku nooshahay dalka Cuba.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
