Diyaarad waday Salaadiin iyo Aqoonyahano oo loo diiday inay ka dagto Garoonka Kismaayo

Monday, May 13, 20130 comments



Diyaarad waday Aqoonyahano, waxgarad, salaadiin, Odayaal dhaqameed iyo Xubno ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa ayaa loo diiday inay cago dhigato Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Diyaarada wafdigan ayaa ka ambabaxday Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxayna ku sii jeeday Magaalada Kismaayo, iyadoo aan la ogeyn wafdigan waxa ay Kismaayo ugu socdeen.

Xildhibaan Maxamed Amiin oo kamid ahaa Xildhibaanadii Baarlamaanka KMG ahaa ayaa la hadlay warbaahinta Muqdisho, waxaana uu uga waramay sida ay wax u dhaceen.

Maxamed Amiin ayaa sheegay in marki ay baxayeen ay ku wargaliyeen wasaarada arimaha gudaha iyo amaanka qaranka, Madaxtooyada Villa Soomaaliya, Taliska AMISOM ee xalane, waxaana uu sheegay inay dhamaan ka heleen fasax ay ku gaari karaan Magaalada Kismaayo iyagoo isugu jira, Siyaasiyiin, aqoonyahano, waxgarad, odayaal dhaqameed, iyo Salaadiin caan ka ah Deegaanada Jubooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay in Maxamed Amiin in Taliska AMISOM ee Muqdisho ay wargaliyeen Taliska ciidamada AMISOM ee Kismaayo, iyagoo ku wargaliyay inay soo socdaanw afdigaasi oo aan laga celin Garoonka, balse wuxuu sheegay inaysan taasi dhicin.

Marki ay galeen hawada Kismaayo ayaa waxaa wadihii Diyaarada ” pilot-ka ” lagu wargaliyay inuusan Diyaarada soo dajin oo dib ugu laabto Magaaladii uu ka yimid ee Muqdisho.

Wafdigii laga soo celiyay Magaalada Kismaayo ayaa ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo ku eedeeyay kuwo aan ka amar qaadan ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho, iyagoo xusay inay maskaxdooda ka maamulaan wixi ay u baahdaan.

Xildhibaankan oo ka tirsan Baarlamaankii KMG aha ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay in dad asal ahan ka soo jeeda Jubooyinka iyo Gedo laga celiyo magaalada Kismaayo.

Wafdiga ayaa sheegay inay warbaahinta u qaban doonaan shir jaraa’id, kaasoo ay kaga hadli doonaan dhibaatada ay kala soo kulmeen magaalada Kismaayo.







_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog