*
Hadii ay jirto in qof bini aadam ah baahi loo qabo nafteyda adiga ayey ku
tebeysan tahay oo ay kugu qanacsan tahay,iyadoo aanan ka fekereyn culeysyada
imaan kara mustaqbalka,waayo nafteyda ayaa kuu dhego nugul, dhegaheyga waxa ay
maqlaan ereyadaada oo keliya ,indhaheyguna aragtidaada waa u daawo ah.
*
Waa igu adag tahay inaan saacado ku waayo waxaana taas sabab u ah qalbiga oo
aan u dulqaadan karin in uu iska kaa masaxo inta aan ku sugaayo wa ay igu adag
tahay in aan joojiyo tirinta daqiiqadaha, waxaase iiga sii adag inaan ku waayo
sababtoo ah xusuusteyda iyo maskaxdeyda ayaad meel adag ka degan tahay,
shalaaydu waa qeyb ka mid ah guuldarada laakin tartarka soo jiidashadaada waa u
qalantaa qofku in uu wajaho guuldarooyin badan.
*
Waan kuu riyaaqaa,waxaana tahay sababta aan u noolahay hadii aniga xageyga ay
sidaas tahay ogoow meel ka mid ah dunida waxaa ku nool qof riyoodiisu tahay
dhoola cadeyntaada, waan ku jeclahay in ka badan inta aan wadajirno waxaana
heystaa wax walbo oo aan u baahanahay wadajoogeena, newbanaadir.com ,waxaad tahay
rajadeyda iyo dhamaan riyadeyda wax dhib malahan wax kasta oo nagu dhaco
mustaqbalka wadajirkeena ayaa waxwalba ka weyn marwalbana dhinacaaga ayaan
taagnaan doonaa.
*
Jaceylku waa dulqaad iyo naxariis waxaan jecelnahay inaan runta soo bandhigno
iyadoo aan qofna la niyad jebin doonin,mararka qaar waxaad tahay qofka dadka
iigu dhow ee aan qalbiyada is dhaafsano wax walba.
*
Boqolaal qalbiyo aad ayey uga yar yihiin in ay qaadaan dhamaan jaceylka aan kuu
qabo,maba ogeyn ebedkey macnaha jaceyl ilaa adiga aad iga soo hor baxday oo aad
i bartay.
W/Q
Fardowsa Maxamed Cabdulle
fardowsatina@yahoo.com
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
