Madaxweynaha
Maamulka Soomaaliyeed ee Puntiland C/Raxmaan Faroole ayaa sheegay in Dastuurka
Qabyadaha ee Muqdisho lagu ansixiyay ee ku jiraan Qodobo badan oo qalad ah oo
Nairobi lagu badalay isagoona Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay in qodobadaasi
dib loo eego lalana xisaabtamo ragii badalay.
Aqriso
Qodobada Faroole ka carooday Sheegayna in wax laga badalay
1.QODOBka
9,aad, ee ka hadlaya Magaalo madaxda qaranka, waxaa lagu kordhiyey (magaalo
madaxda jamhuuriyada soomaaliya waa mugdisho), halka nuqulkii lagu heshiiyey
dhigayo,( maqaamka magaalo madaxda federaalka soomaalia waxaa go’aan laga gaari
doonaa dib u eegista dastuurka),
2.QODOBka
26,aad, ee ka hadlaya hantida.Waxaa laga saaray faqrada sadexaad ee nuqulkii
rasmiga, ahaa, taasoo u qoran sidan: 3. faqrada 1, iyo 2, ee qodobkan laguma
dhaqayo arrimaha ku xusan qodobka 49,aad,
3.QODOBka
44,aad ee ka hadlaya dhulka, hantida iyo deegaanka. Ee nuqulkii rasmiga ahaa
wuxuu ka koobnaa 6 faqradood, ama prograph, waxaa laga tirtiray faqrada 5,aad,
oo u dhigan sidan: 5, kala qeexida awoodaha dawlada federaalka iyo dowladaha
xubinta ka ah dowlad federaalka ee la xiriira maamulka iyo maaraynta waxay ku
tilmaaman yihiin lifaaqa
4.QODOBka
50,aad ee ka hadlaya, tirada iyo xuduudaha dowladaha xubinta ka ah dowlada federalka,
faqradiisa 5,aad oo u dhigan sidan: 5, xuduudaha dowladaha xubinta ka ah
dowlada federaalka waxay ku salaysnaan doonaan xuduudihii gobolada ee jiray
1990-kii, (waxaa loo bedelay 1991’kii).
5.QODOBka
55,aad ee nuqulka rasmiga kana hadlaya Kala qaybinta Awoodaha, waxaa lagu
siyaadiyey ( oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso xukuumada
federaalka).
6.QODOBka,
69,aad. Nuqulka rasmiga ah ee dastuurka, kana hadlaya, Xeer-hoosaadka Golaha
shacabka, faqradiisa 4,aad, waxay u qoran tahay sidan: 4. Mashruuc sharci oo
Goluhu diiday dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay ka soo wareegto
lix-bilood maalinta Goluhu diiday,(waxaa loo bedelay 30,maalmood).
7.QODOBka
72,aad ee ka hadlaya aqalka sare , waxaa laga saaray ama laga tirtiray faqrada
u danbaysa xarafka (J), in ay gutaan waajibaadka kale ee dastuurku ku farad
yeelayo si loo sugo in dastuurku si habsami ah u hirgalo.
8.QODOBka,
81,aad. Ee ka hadlaya curinta sharciyada, waxaa lagu siyaadiyey ama lagu daray
faqrad cusub, oo aan horey ugu jirin nuqulka rasmiga ah ee dastuurka. Oo ka
kooban A iyo B, una dhigan sidan: 2. Sharciyada qabyada ah waxaa Golaha sare e
barlamaanka federaalka ah u soo bandhigi kara( A) ugu yaraan hal wakiil oo ka
socda dowladaha xubinta ka ah federaalka ama (B) Guddi kasta oo ka mid ah
aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah.
9.QODOBka,
82,aad, ee dastuurka kana hadlaya, Go’aamo siyaasadeed, faqradiisa 3,aad ayaa
si kale loo siyaadiyey, sidii la isla ogaa nuqulka rasmiga ah waxay u qorayd
sidan :( 3. In la helo qodob saamaxa iswaafajin iyo isu soo jiidka labada aqal,
haddii aan wax heshiis ahi dhicin.) waxaa loo dhigay sidan :( 3) haddii labada
aqal ee baarlamaanka federaalka ah uu dhex yimaado khilaaf ku saabsan sharci
qabyo ah, mid kasta oo ka mid ah labada aqal ayaa Guddi wadajir ah oo ka kooban
labada aqal ugu baaqi kara in uu isku dayo in uu xalliyo khilaafaadka iyo in uu
labada aqal u soo jeediyo sharci qabyo ah, oo la is-waafajiyey iyada oo laga
duulayo iskaashiga dowladaha ee ay dhigayaan qodobbada 51,aad iyo 52,aad.
10.QODOBka
91,aad. Ee ku saabsan, Muddada xil-haynta Madaxweynaha federaalka. Soomaalia
Madaxweynaha
federaalku wuxuu xilka haynayaa muddo shan (5) sano, (waxaa loo bedelay 4,sano)
11.QODOB
cusub (131 ah),Waxaa la soo geliyey qodob cusub oo (131) oo aan dastuurka
nuqulka rasmiga ah hore ugu jirin kuna saabsan xaalad deg degga ah, kana kooban
7 faqradood.
12.QODOB’ka
199,aad. Ee ka hadlaya wax ka bedelka dastuurka, faqradiisa 3,aad, ugu yaraan
(440.000,) oo muwaadiniin ah ayaa lagu bilaabi karaa habraaca wax ka bedelka
dastuurka, (waxaa loo bedelay 40,000)
13.QODOBka,
210,aad ee Ciwaankiisu yahay Qodobbada is-khilaafsan, oo labo (2) faqradood ka
kooban, ayaa meesha laga saaray.
14.QODOBka
204-aad, ee ka hadlaya dhaqangalka dastuurka oo ahaa Hal farqad ama prograph.
Waxaa lagu kordhiyey farqad cusub. Oo u qoran sidan:
(2)
dhaqangalka qodobada la xiriira aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka meelaha
lagu xusay Dastuurkan, dib ayaa loo dhigay inta laga gaarayo samaynta dhammaan
Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Faderaalka ah iyo inta kuwa matalaya loo
dhaarinayo xilka ayagoo ah xubno ka tirsan xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka
Federaalka. Inta uu laalan yahay samaynta aqalka sare ee Baarlamanka
Federaalka, Golaha shacabka ayaa qabanaya dhammaan waajibaadka iyo hawlaha
dastuurkan siisay aqalka sare wuxuuna u shaqaynayaa sida Baarlaman ka kooban
Hal-aqal, si daacad-nimo ku jirtana maanka ugu haynayaa mabaadi’da aasaasig ee
awood qaybsiga ee nidaamka Federaalka lagu qeexay qodobka (3) ee dastuurkan iyo
danaha Gobolada Soomaliyeed marka la gaarayo go’aanada.
15.
Waxaa kaloo la khalday qaarna laga saaray Jadwalada kala guurka ah (A. iyo B.
iyadoo lagu bedelay Calanka iyo astaanta) iyo wax yaalo kale oo aan meesha ku
jirin.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
