Eng Feysal Cali Waraabe ,Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee maamulka Somaliland, ayaa ka sheegay degmada Boorame ee xarunta gobolka Awdal in hadii uu Muqdisho yimaado loo soo dhaweynayo si heer sare ah.
“Xamar aniga iyo Cali Khaliif Galeyr anaa ku sumcad badan oo leyga jecelyahay. Hadaan tago Magaalada Muqdisho aad ayaa leygaga jecelyahay waxaa ley dhigayaa Roog Cas”, Faysal Cali Waraabe ayaa ku waramay
Waxa uu intaa raaciyay,“Cali waxa uu moodaa in msuuliyiinta Somaliland hadii ay Muqdisho tagaan ay ku bakhtinayaan. Arintu sidaa maaha ee danta qarankeena ayaan ilaalineynaa”.
Dhanka kale, waxa uu madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay in uu iska daayo midnimada uu sheegayo isaga oo yiri, “Xassanow midnimada anagaa kaa leh hadii wax leesu keenayo waxba iskuma keeni kartid ee waxaa lagaa doonayaa in Soomaalidii hore ee koofurta aad isu keento”.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com