Madaxweeyne
Obama oo Timaha u soo jartay qaabka Xaaskiisa kana Qosliyay marti sharaf badan
(Daawo Muuqaal+Warbixin)
Madaxweeynaha
dalka Mareeykanka Mr.Barack Hussein Obama ayaa mar kasta waxa uu la soo shir
tagaa arimo badan oo uu kaga qoslin karo Shacab weeynaha dalka Mareeykanka
kuwaas oo intooda badan u arko Madaxweeyne Qosol badan oo aanan ka xishoon
arimaha u qaaska ah.
Xaflad
ka dhacay Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareeykanka ee White House-ka ayuu
madaxweeyne Obama waxa uu tusay marti Sharaftii iyo dadkii Xafladaas ka soo
qeeyb galay Jarmo cusub kaas oo sheegay inuu dhanka Timaha isku ekeeysiiyay
qaabka ay Timaha u jarato Xaaskiisa Michelle Obama.
Dadkii
Xafladaan ka soo qeeyb galay ayaa mar quraa Qosol la dhacay mar alaale iyo
markii ay arkeen Madaxweeyne Obama qaabka uu Timaha u soo jartay.
Madaxweeynaha
dalka Mareeykanka Mr.Barack Hussein Obama ayaa waxaa loo qiray inuu yahay
Madaxweeyne qabsaday ama degay dhegaha Shacabka dalka Mareeykanka kaas oo mar
kasta u keena wax ka yaabiya ama ka qosliya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com