Feysal Cali Waraabe oo Si Layaab leh uga Hadlay kulankii uu laqaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.(WARBIXIN)

Monday, May 13, 20130 comments



Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka UCID Ayaa Warbaahinta Si koobam uga Hadlay Kulankii Cashada ahaa ee Dhex Maray Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay isku arkeen Magaalada Birmingham ee wadanka Ingiriiska.

Faysal sheegay inuu kulanku ahaa mid kooban oo si kedis ah u dhacay balse aanay wax siyaasad ah kaga wada hadal ee uu ahaa kulan salaan  keliya ku koobnaa. 

“Waxba kamaanu wada hadal ee wuxuu ahaa kulan salaan ah oo laba goobood oo isku dhow ayuu isna dadkiisa kula hadlayay ana aan dadkayga Somaliland kula hadlayay, markaas kulan salaan ah ayaanu yeelanay, kamanaanu wada hadal wax siyaasad la xidhiidha.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Madaxweynaha Qaranka iyo Gudoomiyaha UCID  ayaa kulankooda waxa uu ahaa Mid hoose oo aan si dhab ah loo Ogeen waxyaaabaha ay isla meel dhaigeen hasaa ahaate wax kaliya ay warbaahintu Argay igayoo Wada fadhiya isla markaana si caadi ah u wada sheeekeysanaya, iyadoona laga soo qaaday sawiro uu ka muuqdo Faysal Cali Waraabe oo sheeko la wadaagaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Waziiradda Arimaha Dibada dalka  ahna R/Wazaare ku xigeenka Somaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Waziirka Difaaca Soomaaliya C/Xakiin Xaaji Maxamuud Faiqi  waxaanay muuqaaladan iyo kulankaasi uu dood ka dhex abuuray shacabka Somaliland oo suaalo badan isweydiiyay.
  
Faysal, intaa raaciyay inuu Madaxweynaha Somaliya iyo Waziirka Arimaha Dibada  ku tuur-tuuray Erayo kaftan ah oo ay iyaguna ka jawaab celiyeen, “Waxaan ku idhi shirkiinii Ingiriiska ka warama’ Dabadeedna waxay yidhaahdeen si fiican ayuu noogu dhacay ee intiinii [Somaliland] ayuun baa naga maqnayd.”

Faysal Cali Waraabe, wuxuu sheegay inuu dadkii reer Somaliya ee halkaas ku sugnaa ay u balan qaadeen inay ka qayb geli doonaan munaasibadaha kala duwan ee loogu dabaal degayo sannad guurada 22aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.








_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog