Actarka caanka ah ee matala filimada Bollywoodka Shah Rukh Khan ayaa filim
lakeenaya actarada Aishwarya Rai Bachchan.
Filimkii
u dambeeyay ee ay wada matalaan wuxuu ahaa filimka Devdas kaa oo ay mataleen
sanadkii 2002.
Toban
sano kadib, Shah Rukh Khan iyo Aishwarya Rai Bachchan waxay mar kale wada
matalayaan filim cusub oo lagu magacaaboo HNY.
Waxaa
is bedelay wax badan. Aishwarya Rai Bachchan waxay guurstay actarka caanka ah
Abhishek Bachchan, waxayna udhashay gabar. Hada waxaa jira warar la isla
dhexmaraya kaa oo sheegaya in Farah Khan oo ah director ay doonayso in mar kale ay filim wada keenaan
labada actar.Filimka (HNY) waxaa sidoo kale door kaciyaara actarka Abhishek
Bachchan oo ah sayga Aishwarya.
Aishwarya
Rai wey xiiisaynaysaa in ay matasho filimka (HNY), balse weli ma aqrin sheekada
filimka.
Mataalada
filimka HNY dib ayaa loo dhigay maadaama Shah Rukh Khan matalayo filimka
Chennai Express. Marka laga reebo Shah Rukh Khan iyo Abhishek Bachchan, waxaa
sidoo kale matalaya laba atariisho.
Director
Farah Khan ayaa tiri ” waxaa maalin walba lakulmaa wajiyo cusub, waxaan
raadinayaa gabar cusub”. Hadaba hadii ay filimkaan wada keenaan labadaan actar
wuxuu noqonayaa mid aad loo xiiseeyo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
