Gudoomiye Tarsan oo hadal lagu qoslo ka Sheegay kulan uu la qaatay jaaliyada Soomaalida ee Dalka Switzerland(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Tuesday, May 7, 20130 comments


Gudoomiye Tarsan oo hadal lagu qoslo ka Sheegay kulan uu la qaatay jaaliyada Soomaalida ee Dalka Switzerland(Daawo Muuqaal+Warbixin)
  
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan aya waxaa la sheegay inuu kulan la qaatay jaaliyada Soomaalida ee ah ku nool dalka Switzerland ka dib shir caalamai ah oo uu kaga qeyb galay dalkaas.
  
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo uu weheliyo xoghaya maamulka Gobollka Banaadir Cabdi Kaafi Hilowle Macalin oo dhawaantaan shir caalami ah kaga qeybgalay dalka Switzerland ayaa waxaa la sheegay inay sidoo kale ay kulan kula qaateen bulshada Soomaalida ah ee ku nool dalka Switzerland, Godoomiye Tarzan oo jaaliyada Soomaalida uga warbixiyey wax qabadka maamulka gobolka Banaadir iyo xaalada ay ku sugan tahay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay aragtidiisa ku wajahan maamul goboleedyada ka dhisan dalka Soomaaliya oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo ku dhisan qabiil islamarkaana ka soo horjeedo midnimada iyo wadajirka umada Soomaaliyeed asagoona sheegay shaqsi ahaan inuu ka soo horjeedo, Tarsan ayaa waxaa uu sheegay inaysan jirin wax dhaama midnimada umada Soomaaliyeed qof kasta oo Soomaali ahna uu arintaas sharaf ku leeyahay.

Ugu dambeyntiina iyadoo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ku dheeraaday xaalada magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inay noqotey maagaladu mid ka soo kabsatey bur burkii ku dhacay sanooyinkii la soo dhaafay islamarkaana uu kka socdo dib u dhis baaxad weyn asagoona sheegay inay maanta magaalada Muqdisho ay ka qaalisan tahay dhinaca guryaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya maadaama ay dadku ay ku soo noqonayaan magaalada islamarkaana uu qof waliba doonaayo inuu ku sameeyo maal galin magaalada Muqdisho.




Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com 






_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog