Gudoomiye
Tarzan oo hadal qiiro leh xalay ka jeediyey London kasbadayna sacab fara badan
(Daawo Muuqaal+Warbixin)
Gudoomiyaha
gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur
(Tarzan) ayaa xalay qudbad uu ku kasbaday sacab fara badan ka jeediyey xafladii
lagu soo dhoweynayey madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacday magaaladda London.
Tarzan
oo hadalkiisu ahaa mid qiireysan ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay inuu ku
hadlo codka reer Muqdisho, waxaana uu si cad u yiri “Anigu Muqdisho ayaa ka
hadlayaa, dad badan ayaa is weydiinaya muxuu Muqdisho kaliya mar walba uga
hadlaaa, laakiin anigu Muqdisho ayaan masuul ka ahay”.
Gudoomiyuhu
waxa uu sheegay in caasimadda Soomaaliya ay ka soo kacday meeshii ay ku dhacday
22 sano ka hor. Waxaana uu ugu baaqay qurbo joogta inay dalka wax ka dhisaan,
isagoo tusaale u soo qaatay ruuxii gurigiisa xamar ugu yaala dhista inuu la mid
yahay ruux magaaladii oo dhan dhisay.
Tarzan
ayaa dadkii uu la hadlayey ugu baaqay inay ka hortagaan dad gurbaanka u
garaacaya in Soomaali mar kale kala qeybsanto oo jufo jufo dowlad looga dhigo,
waxaana hadalkani u muuqday mid uu ula jeeday koox maamul goboleedyo qabyaalad
ku dhisan u ololeynaya, kuwaasoo dibadbaxyo aan sidaa u weyneyn ka dhigayey
goobta uu shirka London ka dhacayey.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com