Sadexdan gabdhood ayaa laga helay guri ku yaal magaalada Cleveland ee ku taal gobalka Ohio ee dalka Maraykanka. Gabdhahan ayaa waxaa la afduubay qaarkood 10 sano kahor, waxaana lagu heystay goob aan ka fogeyn meeshii laga afduubay.
Amanda-Berry-Gina-DeJesus-found-in-Cleveland-after-missing-10-years
Sadexda Gabdhood ayey Booliiska ka heleen gurigii lagu heystay, kadib markii mid kamid ah gabdhahan oo lagu magacaabo Amanda Berry ay fursad u heshay inay telefoon u dirto ciidamada Booliiska.
Haweenaydan ayaa u qeylo-dhaamisay nin marayey gurigi lagu heystay agtiisa, ninkaasi oo kamid ahaa dadka xaafadaasi degen.
Amanda oo gacan ka heshay ninkan dariska ah ayaa talefon ay u dirtay Booliiska ku guuleysatay in halkaasi ay gaaraan ciidamada oo kasoo saaray gurigii lagu heystay.
Amanda Berry ayaa la afduubay sanadkii 2003. Markii la afduubay ayey gabdhan jirtay 16 sano.
Labada gabdhood oo kale oo gurigaasi laga helay ayaa kala ah, Gina DeJesus ayaa 14 sano jir ahayd markii la afduubay sanadkii 2004 iyo Michelle Knight oo 20 sano jir ahayd markii la afduubay sanadkii 2000.
Sadexda gabdhood ayaa caafimaadkooda wanaagsan yahay sida ay dhakhaatiirta sheegeen, balse mid kamid ah gabdhaha ayaa la sheegay inay cunug u dhashay mid kamid ah ragii afduubay.
Booliiska ayaa xaqiijiyey inay gacanta ku dhigeen sadex nin oo walaalo ah kuwaasi oo da’adoodu kala tahay 50 sano jir, 52 sano jir iyo 54 sano jir.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com