Marka lasoo hadal qaado habeenka aqal galka waxaa qof waliba oo inaga
mid ahi soo xasuusanayaa Habeenka uu fursada u helay iyo kan uu ku raja
weynyahay ee uu ifka ka fiirsanayo.
-->
Hadaba newbanaadir.com ahaan ku fari mayno sidii aad uga sii jaan qaadi
laheed intaas kadib waayo muhiim maaha in lagaaga sheekeeyo sidii aad
ula dhaqmi laheed xaaskaaga, Adeegso Raganimadaada, Maskaxdaada,
Caqligaaga .
Habeenka aqalka oo ah waqtiga labada lamaane ee mudo soo wada
haasaawayay ay ka guul gaaraan Jaceylkooda kuwaasoo mid kuwda noqda
nolosha.
Waqtiga gabadha loosoo galbiyo gurigeeda laga kala dareero ood isku
soo hartaan runtii labada dhinacba waxaa lakala dareemayaa cabsi &
xishood balse Raggu qaar waxay moodaan in haweeneydu isla habeenkaasba
weerar lagu qaado moodaan in la dhahay jaaniskaasi yuusan ku dhaafin.
Hadaba waxaa muhiim ah inaad Xalaashaada cusub ula dhaqantid qof aad
kulanteen mar qura oo aadan ku dag dagin ula dhaqmin sidii dad sanado is
garanayay waa marka laga wada hadlayo habeenka aqal galka, waxaa muhiim
ah inaad tixgalin siisid, marti qalbigaaga ku weyn ka dhigatid.
Waxaa hubaal ah in habeenkaas aad uga dhigi kartid xalaashaada cusub
habeen xasuus ah oo lama ilaawaan ah , ku dadaal inaad hadiyad lama
ilaawaan ah aad siisid, usheekeysid waqti badan aad siisid inaad ka
dhaadhicisid nolosha cusub & farqaheeda.
Sheeko dheer iyo wada hadal ku qanci wax walbo ineey yihiin imtixaan
sida loogu guuleesto sahlantahay hadii la sahlado, ka dhaadhici inaadan
ku eheen cadaw usoo indho cad sidii uu kaga tilaabsan lahaa
gabarnimadeeda, qanci oo dareen sii kalgaceylka aad u qabto heerka uu
gaarsiisanyahay.
Caqliga kaa maqan waxa uu ku jiraa Walaalkaaga, Hadaba Walaalkoow
halkan hoose waxaa kaaga furan meesha aad ugu soo ban dhigi laheed
fikirkaaga, Caruuskan cusub misana ku dhiban sidii uu uga sii jaan qaadi
lahaa noloshiisa barta uu hada taaganyahay.
Fadlan Fikirkaagu waa muhiim waana Laf dhabarka bulshada Soo ban dhig
fikirkaaga adigoo ku cabiraya Mowduuca Miiska inoo saaran mahadsanid.
-->
Canab Xasan
Xafiiska Newbanaadir
New York - America
canabxasan09@hotmail.com
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
