Warqada 2aad
Ka : La jecleey ( gacalisadii mustaqbalkaada)
Ku : Jaceloow ( Macaanahii nolosheyda)
Macaanoow iga gudoon salaan,aan maaxanaayey maalmo badan, murti iyo macno wayn xambaarsan,malo awaal ka dheeroo manafacaad wada. Aboowow macaanoow,hadaan kaaga waramo xaalkeeyga guud, maskaxdayda ma joogtoo,Wabi baa makhuurtoo ma nooli,Caashaq baa i mudoo maan ma haayo, maskaxda iyo maankayga adigaa ka muuqda,maalintaan ku waayana waan malganahay.
Run ahaantii aboowow, jaceylkaan aan kuu qabo ma ahan mid igu dhashay markaan aqriyay warqadada qimaha iyo qaayaha ku saleesneed ee waa mid aan baryo badan la wareersanaa, oo daawadiisa si aan u helo falkiisa ku jiray.Waxaa ii cuntami weysay in aan ku imaado kugu dhaho :
dhaayaha u roonoow
ku dhaadanaayaay
dhaxantiyo dabaylaha
kaan ka dhigsanayaan
laba dhimasho mooyee
iskuu dhaafin nololoo
waxaanahay is dhawrtoo
rabi kala dhantaaline
hayeeshee dhib hawliyo
dhakafaar adduunyiyo
ina kala dhexyaaloo
soo dhoofi waayee
dhulku kala fogaayoo
ATL NA dheeraa
ayaan dhixin habeenoo
dhakhso iigu kaa sima
jacaylkeenu hadmuu
ubad dhalaa
Laakiin hada waxaan hubaa in qalbigeega qeybtiisa kale ii difaacantahayoow oo aan isku si u wada shaqeyneeno
been laguma dhaartee
dhan loo dayaba wiilyahoow
jacaly iga dhab weeyee..
dhaqan kaama luminoo
dhismahaa ma liicine
waqti kuma dhirbaaxine
sidii aad u dhalatay
dheehii u leeyiin
wali dhabanadaaduye
anna waxa ii dhaawacay
dhaayaha u roonoow
dhoola ka qosolkaagee
Gacaliye waxaan kuu sheegayaaa in intaa ii heeso kabadan in ee agteyda ku yaalaan ,taasna waxaan jeclahay in aad ka aqrisan karto qoraaladii aan kor ku soo sheegay.Waxaan warqadaan ku soo xeraayaa, duco , ducadaasoow ku saleesan mahadnaqa ilaahay..sababtoo ah qalbiyooow, waxaanu nahay laba qalbi oo isku si wax u wada dareemay saas ee tahay awooday inee soo bandhigtaanoow ku heshiiyay in ee meel wax wada saaraan, taasna waxaa inoo suurto galiyay rabigeena…ilaahay waxaa inooga baryaa in aa noqono labii isku wartoo, ilmo baariya kala hela, aaqiro iyo aduunyaba farxad ku wada noolaadoo,laba dadka ka kala maseeraanoow, lagu wada sheekesto jaceylkoodana dhamaaninoo ,noqdaa kuwiii liibanaa ayaan ilaah inooga baryaayaa..AMIIN AMIIN YA RABi…
Love yaw id all my heart macaanooow,
( intaas dambe shumis waaye )
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
