Kun qof ajaaniib ah oo Soomaaliya sharci daro ku jooga oo la tarxiilayo ( Daawo Video )

Friday, May 10, 20130 comments



Kun qof ajaaniib ah oo Soomaaliya sharci daro ku jooga oo la tarxiilayo ( Daawo Video )

Kulankii maanta ee golaha wasiiradda ayaa lagu xaqiijiyey tirada rasmiga ah ee ajaaniibta sida sharci darada ku jooga dalka ee la sheegey in ay ku dhex dhuumaaleysanayaan ciidamada AMISOM.

Wasiiradda ayaa tirada rasmiga ah ku sheegey 924 qof oo aanan heysanin wax rusqo ah oo ay dalka ku joogaan, iyagoo dalka ka qabta hawlo ganacsi iyo adeegyo kale oo aysan jirin cid la socota.

Waxa ay golaha bixiyeen guddi afar wasiir ka kooban oo kasoo talo bixinaya sida laga yeelayo ajaaniibtani.

Go’aankani ayay wasiiradda gaareen kadib markii dhawaan ay soo ifbaxday warbixin ka hadlaysa ajaaniib hoteelo casri ah ka dhisanaya Muqdisho oo aysan dowladda ka warheynin.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa soo qorey, soona bandhigey video ka hadlaya nin ka tirsan shirkadda Bancroft ee xagga amaanka qaabilsan oo hoteel shan xidigood ah ka dhistey xeendaabka xerada AMISOM dhexdeeda, kaasi oo ku kacaya $6 milyan oo doolar.

Waxaa kale oo muuqata in dowladda ay ku baraarugtey halka uu dhibka ka imanayo in ay tahay AMISOM oo dadkani magangalyo sharci daro ah siisa, iyada oo aysan dowladda wax ka ogeyn.

Sida qaanuunka yahay dadkani ajaaniibta ah waa in ay rusqad shaqo ka qaataan wasaaradda arrimaha dibada oo ay tahay in ay hubiso in shaqada ay hayaan ay tahay mid aanan waxbo u dhimeynin amaanka qaranka iyo danaha muwaadhiniinta ama siyaasadda dhaqaale ee qaranka.

Wasaaradda ganacsiga ayay sidoo kale tahay in ay rusqad ka qaataan haddii hawlo ganacsi ay qabanayaan, tani waxa ay dowladda ka caawineysaa in ay canshuur ka hesho hawlaha ganacsi ee la qabanayo.

Talaabadani waxa ay muujineysaa in dowladda mas’uuliyad iska saarayso wax ka qabashada wax kasta oo horey u qaldanaa.

Sida ay noo sheegeen saraakiil dowladda ka tirsan waxa ay noo sheegeen in dadkani dhamaantood la tarxiili doono haddii ay kasoo bixi waayaan shuruudaha adag ee dowladda, waxaana suurogal ah in talaabooyin ciqaab ah ay la kulmaan maadaamaa dalka sharci daro ay ku joogeen, halka qaarkood galal dacwadeed laga furi doono, kuwaasi waxaa ka mid ah kuwa dhulal aysan cidna u sharciyeynin iska dhistey.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog