Haween cudurro kala duwan ka qaaday isticmaala dawooyinka dhacay oo Muqdisho ku soo badanaya (Warbixin)

Wednesday, May 15, 20130 comments


Dawooyinka kala duwan ee la isku qurxiyo ee ay isticmaalaan haweenka, ayaa waxyeelada ka soo gaarta gabdhaha Soomaaliyeed ee degan magaalada Muqdisho si aad ah isku soo tarayaan, iyadoo ku dhowaad toban haween ah oo isugu jira gabdho iyo haween da’ dhexaad ahna ay u geeriyoodeen kaddib markii ay xanuuno kala duwan ka qaadeen isticmaalka dawooyin dhacay.

Magaalada Muqdisho gabdhaha degan oo iyagu si aad ah u isticmaala dawooyinka la isku qurxiyo ayaa waxay haatan badankood la il daran yihiin cudurro kala duwan oo ay ka qaadeen isticmaalka dawooyin dhacay, kuwaasi oo qaarkood aad ku arkeyso magaalada Muqdisho iyagoo indha shareer xiran isla markaana iska dhowraya cadceedda iyo dabeysha cimilada Muqdisho, taasi oo ay dareemeyso xanuuno fara badan oo ka saameeya qeybo ka mid ah jirkeeda.

Gabar lagu magacaabo Nafiso Cusmaan degana magaalada Muqdisho kana mid ah gabdhaha sida aadka ah u isticmaala dawooyinka la isku qurxiyo ayaa iiga warbixisay dhibaatooyinka caafimaad ee ay ka qaadday isticmaalka dawooyinka la isku qurxiyo, waxayna sheegtay in haatan xaaladeedu tahay mid ka soo kabaneysa kaddib markii ay joojisay inay jirkeeda mariso daawooyinka ay haweenku isku qurxiyaan.

Gabadhaan ayaa sheegtay in joojinta isticmaalka dawooyinka la isku qurxiyo ay sababtay kaddib markii ay ogaatay in dawooyinkaasi ay yihiin kuwo intooda badan dhaafay xilligii loogu talogalay, iyadoo dawooyinkaasina dib mar kale lguu cusbooneysiiyo taariikhda ay dhacayaan sidaasna ay mar kale ku iibiyaan.

Mar aan Nafiso wax ka weydiiyay saameynta ay dawooyinka la isku qurxiyo ku yeelanayaan caafimaadka haweenka, waxayna ii sheegtay inay kala duwan yihiin xanuunada laga qaado dawooyinkaasi, ayaa sheegtay inay ugu daran yihiin qofka oo ku dhacaya xummad aan marnaba ka bogsaneynin, taasi oo markii dambe sababta in qofku gebi socodka iyo dhaqdhaqaaqa.

“Gabdhaha Soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa inay joojiyaan isticmaalka dawooyinka la isku qurxiyo oo ah kuwo dhacay, kuwaasi oo caafimaadkooda waxyeello u geysanaya” ayay tiri Nafiso Cusmaan oo sheegtay dhinaca kale in 80% Gabdhaha ama haweenka da’ dhexaadka ah ee indha shareerka xiran ay isticmaaleen dawooyinka dhacay, bacdamaa wejigoodu iska bedelay sidiisii hore.

Waxay sheegtay in marnaba aanu qarsoomi karin qofka wejiga u daboosha dhibaatooyin ka soo gaaray isticmaalka dawooyinka dhacay iyo kuwa sida qaldan loo isticmaalay, waxayna Nafiso tiri: “Gabdhaha indha shareerka u xiratay nabarro uga yimid dawooyinka la isku qurxiyo waxaad ka garan kartaa lugaheeda haddii ay sagsaan gashatana waxaad ka dareemeysaa gacmaheeda”.

Kaliya ma aha dawooyinka dhacay ee ay Haweenku isku qurxiyaan dhibaatada ka dhalatay cudurada ka dhashay daawooyinkaasi, ee waxaa jira gabdho fara badan oo mustaqbalkooda waxyeello u geystay, kaddib markii ay damceen inay is caddeeyaan, kuwaasi oo qaarkood haatan dhibaato xoogan ka heysato sidii ay bulshada ula noolaan lahaayeen, kaddib markii dawooyinka ay isticmaaleen ay meesha ka saartay dhammaanba xuubkii saarnaa meel kasta oo ay mariyeen isla markaana uu muuqdo xididadeeda oo dhan.

Dhaqaatiir dhowr ah oo ka howlgala goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho ayaan wax ka weydiiyay dawooyinka la isku qurxiyo dhibaatooyinka ay leeyihiin, waxayna sheegeen qaarkood in dawooyinka Muqdisho la keeno ay yihiin kuwo dhacay oo mar kale gudaha dalka lagu cusbooneysiiyay taariikhda ay dhacayaan, taasi oo ay sheegeen in arrintaasi caafimaad dhibaatooyin xoog leh ay ku hayaan gabdhaha Soomaaliyeed.

Waxaa Diyaariyay:
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil37@hotmail.com









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog