DAAWO VIDEO MUCJISO RABAANI AH: Nin qeyb mid ah jirkiisu ay tahay Geed “SUBXANALLAH”
Dede Kosawa oo ku magac dheer (Nin-ka Geedka) ayaa ah 32 jir ku nool dalka Indonesia.
Ninkaan ayaa kula nool caruurtiisa xaafad yar oo ka tirsan caasimada Indonesia ee Jakarta.
Dede ayaa ahaan jiray nin kaluumaysata ah ka hor inta uusan lugaha la gelin marxaladda uu haatan ku suganyahay Dede ayey sanooyin kadib isku badashay noloshiisa mid aad u adag ruuxi arkana uu argagax ka qaado waxa qeyb ka tirsan maqaaarkiisa sare ku dahaarmay Qalfoofka geedka taas oo ugu danbeyntii gacmahiisa kusii xoogeysatay waxa lagu qiyaasay in qalfoofka geedka ka baxay jirkiisa Sanadkiiba 5cm uu sii dheeraado.
sidoo kale wuxuu yeeshay laamo dhaadheer ee kusii fiday gamcihiisa.
Dadka ku dhaqan deegaanka uu ku noolyahay ninkaani ayaa ugu yeero (Tree Man).ninka geedka.
Xaalada adag ee uu ku jiray muddada dheer ayey qaadatay in ay la tacaalaan dhaqaatiir badan oo ku kala nool gudaha dalka Indonesia iyo dibeda 20 sanadood oo uu ku sugnaa xaaladaasi ayaa waxa usuurta gashay inuu safar ku tago Dhaqtar ku taqasuusay xaaladaha ku dhaca maqaarka Dr Anthony Gaspari oo wax ka dhiga jaamacada Maryland.
Kadib safarka dhaqtar kaani oo la kulmay Dede ayaa ku sameeyay baaris kaas uu ku sheegay dhaqtarka inuu leeyahay dhicaanka geedaha.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com