Maamulka dowladda hoose ee gobolka Wisconsin ee dalka Maraykanka ayaa go'aan adag kasoo saaray isla markaasna si khasab ah gurigeeda sheegay inay uga saarayaan haweenay iyadu halkaasi ku nool, kadib markii kooxaha caafimaadka ay ogaadeen inay guriga haweenaydaasi ku nool yihiin illaa 300 oo Jiir ama Dooli ah.
Warbaahinta dalka Maraykanka ayaa saraakiisha Booliska kasoo xigatay in haweenaydani oo lagu magacaabo Darlan Falatov oo muddo 10 maalmood ah uga bixi doonto gurigeeda maadaama dhinacyada caafimaadka ka shaqeeya ay ka digeen halista ka dhalan karta Jiir badan oo ay haweenaydani muddo sanad ku dhow la noolayd.
Haweenaydan ayaa waxaa markii hore goob xayawaanaadka lagu daryeelo ay kasoo iibsatay jiirkan ama dooligan qaarkood, iyagoona intaasi kadib kusii tarmay gurigaasi.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
.jpg)