Kulankan oo u jeedadiisu aheyd ku dhawaaqida mashuurca lagu mideynayo magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbuul ayaa waxaa ka qeyb galay ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda Cali Axmed Guure, mas’uuliyiin ka socotay maamulka Istanbuul iyo xubno ka tirsan Gobolka Banaadir.
Cali Axmed Guure ku simaha duqa magaalada Muqdisho oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in kulanka uu ahaa dar dar galinta qorshaha lagu mideynayo Muqdisho iyo Istanbuul waxa uuna ku dhawaaqay in maanta uu si rasmi ah uga bilaawday dhismaha lagu mideynayo.
Wakiil ka socday duqa magaalada Istanbuul oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in hay’addaha Turkiga ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya in ay qeyb weyn ka qadanayaan mashruuca lagu mideynayo Muqdisho iyo Istanbuul maadama mashruucaasi horay loogu dhawaaqay.
Goobta uu ka socday kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay gawaari iyo qalab kale oo loogu talagalay in ay ka qeyb qataan dhismayaasha lagu mideynayo caasimadaha Muqdisho iyo Istanbuul.
Sanadkii hore ayey aheyd markii magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga kulan uu ku dhaxmaray guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Istanbuul iyagoo soo kala saxiiday heshiisyo ku qotomo mideynta magaalo madaxyada dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
