Haweeney
saalixad ama muminad ah oo suuban ayaa nolol la wadaagtay nin, waxa uuna
ninkani mar walba ahaa mid iska indha tira arimaha Jaceylka iyo xanaaneynta
marwadiisa saalixada ah isagoo ula dhaqmi jiray sidii qof shaqaale ah oo guriga
u joogta oo kale, marnaba ma uusan u muujinin kalgacayl iyo hadalo dabacsan,
isagoon xitaa uga mahad celin jirin hadii ay wax yaabo wanaagsan u keento.
Ha
yeshee haweeneydaan oo aheyd mid Samir iyo dul qaad badan badan ilaahey ku
maneystay ayaa 10 sano dulqaadatay ayadoo aan wax cabasho ah ka muujinin
ninkeeda iyo dabeecadiisa qalafsan.
Lakin
10 sano kadib ayey dulqaadan weysay, waxa ayna la timid fikir yar balse wax
weyn ka bedelay aduunyadii iyo dabeecadii xumeyd ee ninkeedu ku noolaa.
Hadaba
Haweeneydaan ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa ay ninkeeda u dhiibtay canjal
aysan waxba ku duubneyn oo faaruq ah, waxa ayna tiri marka aad shaqada usii
socotid sii dhageyso, ninkii ayaa qaatay canjalkii, markii uu 2 ilbiriqsi sugay
ayuu waxba ka waayay, waxa uuna wacay xaaskiisa, isagoo dhahaya canjal faaruq
ah ayaad igu lug goysay.
Haweeneydii
ayaa u sheegtay in uu sabro oo uu wali sugo, balse 40 ilbiriqsi oo kale ayuu
sugay, isla sidii ayuuna xaalku noqday, si kastaba ninkaan ayaa shaqadiisii
sidaas ku tegay, markii uu kasoo noqday shaqadii ayuu isla arinkii sameeyay,
waxa uuna la kulmay canjal faaruq ah.
Isagoo
xanaaqsan ayuu guriga yimid, waxa uuna bilaabay inuu haweeneydiisa ku qeyliyo
sababtoo ah canjal faaruq ah ayey ku lug goysay, haweeneydii ayaa ninkeeda
fadhiisisay, waxa ayna u shiday isla canjalkii, balse waxba kama soo socdaan
ilaa iyo 10 daqiiqo la gaaray.
Ninkii
ayaa si xanaaqay waxa uuna lasoo booday, qof yahay waaad soo waalatay ee
waqtiga hanaga luminin, haweeneydii ayaa wali kusii adkeysatay ayadoo dhaheysa
xoogaa yar sabir muuji, wax fiican ayaa kasoo bixi doona.
Ninkii
ayaa ilaa iyo 3o daqiiqo adkeystay, balse markii danbe ayuu istaagay, waxa uuna
yiri wax soo socdo uma jeedo ee waalida nagala dul tag, isagoo aad u carooday
waxa uuna intaas kusii daray, bis waaye intaan ka badan ma sabri karo.
Haweeneydii
ayaa ninkeeda garabka ka qabatay tartiib ayeyna u fadhiisisay, ayadoo si deggan
oo naxariis leh ula hadleysa ayey tiri: Ninkeyga aan jeclahayoow, waxa aad
dulqaadan weysay canjal 30 daqiiqo soconaya oo faaruq ah, balse ka waran aniga
kuu dulqaatay 10 sano oo aad faaruq aheyd adigoon wax jaceyl iyo kalgacal ah i
dareensiin.
Ugu
danbeeyntii Ninkii ayaa yaabay, oohin ayaana isla markii indhihiisa kusoo
hoobatay, isagoo wixii maalintaas ka danbeeyay noqday mid wanaaga iyo jaceylka
marwadiisa xooga saaray, noloshiisana qadar ilaah ka sokoow waxaa sabab u
noqday fikrad yar oo sahlan in ay wax weyn oo ka maqnaa kusoo kordhiso,
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
