Layaab: Haweenay timaaday goob Geerideeda looga baroordiiqayay Cajiib

Sunday, May 5, 20130 comments



Degmada lagu magacaabo Inyathi oo ku taalla dalka Mozambique ayaa waxaa ka dhacay arin layaab leh kadib markii haweeneey maalin ka hor la soo aasaay oo ay socotay munasabad loogu murugoonayo geerideeda ay soo istaagtay madashii murugada iyada oo wadata dhar qurux badan, kadibna ay bilaawday in ay heesto.

Haweeneyda ayaa waxaa lagu magacaabaa Gogo Ngwenya, waxaana la sheegay in la’aasay maalin kahor xilligii ay imaaneysay halka loogu murugoonayay, waxaana wararku intaa ku darayaan in markii ay imaaneysay ay aheyd labadii duuhurnimo oo baroor diiqayaashu ay aad ugu badnaayeen goobta ay soo istaagtay.

Mid kamid ah baroor diiqayaasha ayaa waxa uu sheegay in uu arkay Gogo Ngwenya oo irida guriga taagan, iyada oo dhamaan qolyihii uu u sheegay ay hal mar wada eegeen ayna arkeen iyada oo irirda dareen la’aan u taagan, waxa ayna inyar kadib soo aaday halkii ay boroor diiqayaashu ku sugnaayen tass oo sababtay in ay ka kala cararaan

Gogo Ngwenya ayaa fariisatay kadibna bilaawday in ay heesto iyada oo cid fahamta heesaheeda la waayay, inkast oo daqiiqado kadib ay istaagtay adayna dhanka irida guriga kahor intii aysan mirqin.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog