Ma Dooneysa In Ninkaada Daacad Badne Caano Ma Daadshe Noqdo ? Farsamadaan Raac .

Thursday, May 9, 20130 comments




Daacadnimada waa lacag helisteeda adag tahay sida ay inta badan tilmaamaan haweenka , si aad u hesho daacadnimada ninkaada /naagtaada alcarabiya ayaa ku siineysa talooyin muhiim ah oo ku aadan arintaas .


Ixtiraam : waa tilmaamaha ugu weyn ee xoojiya kalsoonida labada lamaane , iyadoo hadii uu ninka dareemo arintaas waxa uu sameeyaa fal celis aad u wanaagsan oo aad ku heleyso daacadnimadiisa.

U muuji in aad adiga wax waliba u tahay , walaal , xaas, hooyo iyo xabiibtiisa hadaad sidaas u muujiso indhihiisa adiga mooyee meel kale kuma fiirinayo.

Qadari wax waliba oo uu dantaada u sameynayo : Waxa uu ninka uu dareemaa niyad jab marka uu arko dhamaan dadalaadiisa uu u sameynayo adiga iyo caruurta aysan helin wax qadarin ah , ku tix gili wax waliba xitaa hadii ay yar yihiin waayo waxa uu doonayaa farxad gilintaada.

Dhageyso : ogoow iska dhaga tirka sheekada ninka waxa ay keeneysa in dabacsanaan ay ku timaado xariirkiina qoyska ee gabaryaheey ka dhig ninkaada in wax waliba kaaga muhiimsan yahay /kaaga muhiimsan tahay .

U Noqo Saaxibad : waxaa gabaryaheey xaaska ah lagula talinayaa in aad ninkaada siiso xoogaa xoriyad ah si uu u awoodo in uu soo tufo waxa laabtiisa ku jira kagaana dhigto saxibad oo ku taageer fikradihiisa.

Wax Bacrimin: mararka qaar waxaa laga yaabaa in ninka uu wax ku yiraahdo taas oo keeneysa dhibaato is faham la `aan ah ee gabaryaheey ha isku dayin in aad warkiisa wax kala dhex baxdo oo aad ka bacrimisato ee weydii si saraaxad ah waxa uu ula jeedo .














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog