Ma Jeclaan Laheed in Uu Gurigaga Najaxo (Guleysto)

Wednesday, May 1, 20130 comments


Ma Jeclaan Laheed in Uu Gurigaga Najaxo (Guleysto)?

1- Marka Hore Naftada Bar Oo Ku Cadaadi in aad Gurigaga Ku Xukunti Kitaabka Alle iyo Sunada Xabiibkeyna Muxamed (CsW) Maxaa Yeelay Wax Kasto Alle Kitaabka Ayuu Ku Cadeyey Ka Raadi Guusha Gurigaaga Kitaabka Alle iyo Sunada Nabiga (CsW) Wuxuu Dhahay Allah Subxanuhu Watacalaa {Maantaan idiin Kaamilay (Dhameeyey) Diintiinna Waxaana idiin Taamyeelay Korkiinna Nicmadayda Waxaana idiinka Raalli Noqday Islaamka Diin Ahaan,}

Ma Jeclaan Laheed in aad Noqoti Aabaha Ugu Wanagsan/Hooyada Ugu Wanagsan/ Mustaqblka?

2- Marka Hore Zowjkaaga Ka Danbeey Oo Sii Qadarin Sare Adna Zowjadada U Xushmeey Una Qadari Si Ku Dheehan Jaceyl iyo Naxariis Ogowna Ubadka Alle Ku Siiyey in Ey Tahay Nimca Alle Xagiisa Kaga Timid Kuuna Soo Marsiiyey Zowjadada Lagagana Bahanyahay in Aad Marka Hore Alle U Mahad Noqdo Kadib Xaaskaga Uga Mahad Celisi Maxaa Yeelay Ayadaa Dhib Badan U Soo Martey Dhig Badana Uga Baxay ..

Ma Jeclaan Laheed in Aad Noqoti Qof Gurigiisa Ka Buuxa Farxad?

3- Gurigaaga Waxaad Farxad Uga Buuxin Kartaa Adigoo Xaxaskaga iyo Caruurtada Siiya Jaceyl Dhab Ah Oo Ka Timid Qalbigaaga Una Jeclaati Sida Aad Naftada U Jaceshahay Ka Daran Waxaana Qalbigaga Galisaa in Uu Yahay Guurkiina Mid Ku Dheehan Jaceyl iyo Naxariis Adigoo Fiirinaya Hadalka Allah Caza Wajal Uu Yiri {Waxaa Ka Mid Ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka Abuuray Naftiina Haween Si Aad isugu Xasishaan, Yeelayna Dhexdiina isjacayl iyo Naxariis, Taasina Waxaa Ugu Sugan Calaamad Qoomkii Fikiri}

4- Ma Jeclaan Laheed in Aad Noqoti Qofka Ugu Deeqsisan Ugana Naxariista Badan?

Hadaba Waxaad Ku Noqon Kartaa Qofka Ugu Deeqsisan Ugana Naxariista Badan in Aadan Qoyskaga Waxba Ka Hagran Gaar Ahaan Xaskaaga Wax Walba La Jeclaati Sidoo Kale iLmahaga Waa Qeyb Ka Mid Ah Jirkaga Waa in aad Ka Fakirtaa Tarbiyadooda Barashada Diinta Korintooda Wanagsan Waxaad Ku Noqon Kartaa Qofka Ugu Naxariista Badan In aad Naftaada Ka Hor Mariso Tan Xaskaaga iyo ilmahaga iyo Waalidkaa Qarabadana Xariiri Ma ahan in Deeqsinimada Lagu Noqdo Kaliyah in aad Tahay Qof Lacag Leh Ee Deeqsinimada Ugu Ween Waa Tan Qalbiga Qalbigaaga Halaga Helo Naxariis iyo Farxad iyo Dhowla Cadeyn Joogta Ah…












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog