Inkasto
maseeyrka uu halis badan yahay raga iyo dumarkane ay ku kala duwanyihiin ayaa
qaar badan oo kamid ah waxay ka shekeyaan dhibaatada uu maseeyrka ku hayo.
Si
fudud ayaan u maseyraa taasina waxaa ugu wacan jaceylka xad dhaafka ah ee aan
kuu qabo wey fiican tahay inaad ogaato in qof uu niyada kugu hayo kana
welwelsan in uu ku waayo daqiiqad walba.
Hadaba
ogow Qof ku jecel ayaa kuu maseyra Maseyrka yar waa caafimaad laakin hadii uu
xad dhaafo waa sun ku dili karta ee ka fogow ama inaad danbi weyn gasho kuu
keenaya.
umarka
markey maseyrku ka sheekeynaayaan waxyaabo badan oo la yaab kugu noqda ayaa
dhagahaagu soo jiita ama aad isleedahay tolow maxey sidaas ula jeedaan.
Balse
shaki kuma jirin in maseyrku yahay cudur maskaxda ku dhacay qalbigna ku qarxa
iyo caloosha oo ku hurdana sambabaha ,haseyeeshee dadbaa u arka in maseyrku uu
yahay loo baahane oo qofka aanan kuu maseyreyna uusan ku jecleyn, haseyeeshee
ma ahan in la fududeysto halistiisa.
Lakin
Fikrada ah in haweenka ninkooda naag kale la wadaagto waxey ku ridaa dumarka
kalsooni daro iyadoo laga yaabo in ay markaasi bedesho dhaqankeedii hore lana
soo baxdo xeelado cusub oo wejiyo badan leh.
Haddii
ay shalay daacad kuu aheyd maanta waxaa macquul ah in ay ka fekerto wixii iyada
dan ugu jiro oo keliya waaba hadaaney furiin kaa dalbanine .
Maseyrka
dumarka ku dhaca waa wejiyo badan yahay qeybo badan ayuuna u kala baxaa marka
haweeneyda ninkeeda uu naag kale damco waa dareen dhiilo wata hadana waa tartan
dadban haweenka qaarkood waxa ay ku mashquulaan in ay daryeel dheeri ah u
muujiyaan ninkooda, sida iyadoo ku dadaasha cunadiisa,dhankiisa iyo waxwalba oo
isaga ku saabsan iyadoo muujineysa in ay tahay tan aadka ugu fiican ee ku
haboon waxa ayna ka duuleysa in qof aan ayada aheyn farxad siin karin.
Dumarka
Qaar baa ku mashquula keliya naftooda oo bilaaba 24 saac in ay habeysnaato,wax
ka bedesha habka lebiskeeda iyo muuqaalkeeda iyadoo isku muujineysa in loo arko
in ay ka qurux badan tahay qofta kale ee hawada soo gashay.
Qaarbaa
la yimaado xeelado dagaal ah oo nabadii oo dhan ka guurto holaca qalbigeeda ka
shidana banaanka soo dhigta waxaana maseyrka nuucaan ah haweenka xaafadaha u
yaqaanaan BUDWEYNE. wax ay qoftaasi dagaal ku kicisaa ninkeeda iyo naagta ka
xaday qalbigiisaba, maseyrka nuucan ahna wuxuu reebaa dhibaatooyin aad u
waaweyn oo laga yaabo in ay nafteeda iyo nafaha ku xeeran u geysan kara .
Si
kastaba Rag iyo dumarba marka loo fiiriyo qofna kuma qanci karo waxa uu isaga
shaqsi ahaan u leeyahay in lala wadaago,inkastoo ay jiraan rag jecel naago
badsiga hadana adigu makula tahay gabar yahey hadii uu ninkaagu qanacsan yahay
inuu wax kale raadin lahaa ma isleedahay waad dabooshay baahiyaha ninkaagu uu
qabo oo dhan uuna kaga maarmo karo in naag kale uu daarsado
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
