5 Arrimood Oo Ay Xaaskaagu Kaaga Baahantahay Oo Aadan Ogayn? Ninyahoow Hadaadan iska fiirinin hadda newbanaadir.com eeda malahan ogoow

Tuesday, April 30, 20130 comments


Gabar walba waa hooyo inanta halka sano jirta iyo tan 50 jirtaba waa hooyo. Waxaan lasoconaa in hooyadu tahay aasaaska nolasha. Kaalin walba oo nolashu ku xiran tahay way inaga dabooshay. Walina waxa ay sugayaan kaalintii ay raga ka filayeen.

Mararka qaar dumarku ma sheegtaan dareenkooda sidaa darteed waxa loo bahan yahay in ninku fahamo waxay tabanayso xaaskiisu. Waxa jirta xili xaaskaagu aad kugu baahan tahay newbanaadir.com ayaa ku leh hadii aad ku guulaysato in aad baahideeda ka daboosho waxa si fudud aad u dagaysaa qalbigeeda, iyadoo wax walbana kuugu samraysa. Wakhtigaas waxa ka mid ah xiliga ay leedahay uurka oo aan dhihi karo waa xili ragu intooda badan ayna waxa gargaar ah u tarin xaasaskooda iyaga waliba ay rabaan in ay ka helaan wax walba iyada. Taasina suurto gal maahin. War ninyahoow qodobadaan hoos ku xusan si fiican ugu fiirso.

     1, Xaaskaagu waxay kaaga baahantahay inaad markaad suuqa ku maqan tahay u keentida hadyada haba yaraatee.
    2. Xaaskaagu waxay u baahan tahay in hawsha guriga oo lala qabto.
    3. Xaaskaagu waxay u baahan tahay in marka ay soo qubaysato u marisid kereemka iyo saliida. Madaxan u duugtid
    4. Xaaskaagu kaaga baahantahay inaad u sheekeeyso oo laga sheekaysiisiyo.
    5.  Xaaskaagu waxay kaaga baahantahay inaad u sameeyo masaaj iyo duugo si ay u hilmaamto daalkii iyo dhibkii.



War libaax 5-taas qodob hadaad u samayso jaceylka ay kuu qabto xidigaha ayuu soo taabanayaa qalbigeedana adiga ayaa degaya.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog