Madaxweynaha
Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maalmahan booqasho ku
joogay dalka Ingiriiska ayaa ayaa xalay la hadlay Soomaalida ku nool magaalada
Birmingham oo isugu yimid in ay dhegeystaan khudbadda madaxweynaha Soomaaliya,
iyadoo markii ugu horeysay ay tahay Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya
Fowziyo Yuusuf Xaaji inay indhaha saarto ama ay la kulanto Siyaasiyiinta
Somaliland
Munaasabadda
oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham ayaa waxaa ka soo
qeybgalay dad aad u badan oo ka kala yimid magaalooyinka kala duwan ee UK,
waxayna dadku muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin Dowladda hadda u dhisan
Soomaaliya, taasi oo aan ahayn KMG, isla markaana dalalka caalamka ay
billaabeen in ay ula macaamilaan si ka duwan siyaabihii loola macaamili jiray
dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya soo maray.
Waxaa
munaasabadda kaddib xaflad casho sharaf ah isku arkay Madaxweynaha Soomaaliya
Xasan Shiikh Maxamuud iyo xubno ka tirsan wafdigiisa oo ay ka mid ahaayeen
Ra’iisal wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiya
Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Fiqi iyo Guddoomiyaha
Xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee UCID Feysal Cali Waraabe.
Klankooda
oo ahaa mid cashada dhexdeeda ka dhashay oo aan horay loo sii qorsheynin ayaan
si rasmi ah loo sheegi karin waxyaabihii ay iskula soo qaadeen.
Inkastoo
aan si dhab ah loo ogen waxyaabihii ay kawada hadleen hadana tani waxay
muujinee isku soo dhawaanshaha madaxda Somaliland iyo doowlada Soomaaliya.
Tan
iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday 1991-kii ineey ka go’day Soomaaliya
inteeda kale, ayaa hadana sanadihii
Ugu
danbeeyay waxaa jiray dhowr shir oo ay isugu imaadeen madaxda doowlada
Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana xusid mudan in kulankii ugu danbeeyay ee
kadhacay Stanbul ay kasoo baxeen qodobo ilaa dhowr ah oo kala saxiixdeen labada
dhinac.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com