Muda
10 Sano oo ey ahaayeen Dad ku nool Feker iyo wel wel Cabdallah iyo salwo ayaa
ugu danenti waxa ay is weydiiyeen su,alo ah halka sarta ka qurun santahay iyo
ruuxa ma dhaleyska ah labadooda.
Sidoo
Kalane Dhamaan Deriska iyo Qarabada si isku mid ah ayeey suuqa ugu maqleen
dhibka ka jira guriga c/lahi iyo salwo., waxaana maalin walba xanta suuqa taal
ey noqotay hebel iyo heblaayo maxaa helay iwm.
Ugu
Danbeyna Salwa iyo Cabdallah waxa ay go´aan ku gaareen in ay dhaqtar u tagaan
si loo baaro halka dhibaatadu ka jirto iyo ruuxa masuulka ka ah in ay 4 sano
wax dhali waayaan.
Kadib
baaritaan dheer, dhaqtarkii ayaa Cabdallah u sheegay in dhibaatadu tahay dhanka
xaaskiisa Salwa, waxa uuna sheegay in ay ma dhaleys tahay rajo wanaagsana aysan
laheyn,
Cabdallah
ayaa dhaqtarkii ka dalbaday in uu arinka ma dhaleys nimada ah isaga u saariyo
oo uu xaaskiisa u sheegay in dhibaatadu ninka xagiisa tahay balse ay iyadu
caafimaad qabto.
Dhaqtarkii
ayaa arinkii ogolaaday isagoo maslaxad u arka si haweeneydu aaney u niyad
jabin, waxa uuna ku war geliyay sidii laga dalbaday inuu sameeyo.
Kadib
dhowr maalin, waxaa dhamaan ehelkii iyo deriskii ka war heleen arinkii, ayadoo
durbadiiba Salwa lagula taliyay in ay ninkeeda isaga tagto maadaama uu ma
dhaleys yahay, si ay nin kale u hesho isla markaana caruur u yeelato.
Si
kastaba Salwa ayaa diiday in ay ninkeeda ka tagto, waxa ayna sheegtay in aysan
naxariista eebe ka quusan doonin, kadib 5 sano markii ay kasoo wareegtay
dhacdadaas ayey Salwa u adkeysan weysay in ay noloshaan kusii noolaato, ayadoo
deriskeeduna uu aad ugu sheekeysan jiray kuna tilmaami jireen naag adoon u ah
nin ma dhaleys ah.
Waxa
ayna Salwa ninkeeda ka dalbatay furiin, Cabdallah oo murugeysan ayaa xaaskiisa
ka dalbaday in ay hal sano oo kale sii sabirto, Salwa ayaana codsigaas
aqbashay, balse dhowr maalmood ka dib Salwa waxaa ku dhacay kilya xanuun aad u
daran, ayadoo la geeyay dhaqtar kadibna la sheegay in ay u baahan tahay in
kilada laga bedelo,
Cabdalla
ayaana murugadiisu sii laba jibaarantay, balse jaceylka uu xaaskiisa u qabo
darteed ayuu go,aansaday in uu bad baadiyo xaaskiisa, waxa uuna Salwa ka
dhaadhiciyay in ay dhaqtarka la jiifiyo oo qaliin lagu sameeyo, isagoo waliba u
sheegay in uu safar gaaban oo howlo ganacsi oo daruuri ah ku tegayo magaalo u
dhow isla markaana uu si deg deg ah kusoo laaban doono.
Salwa
ayaa ka yeeshay arinkaas waxaana la jiifiyay sariirtii lagu qali lahaa,
Cabdallah ayaa dhanka kale isbitaal dhinac kale ka jiiftay isagoo dhaqaatiirta
ka dhaadhiciyay in ay kilidiisa ka bixiyaan una geliyaan xaaskiisa si ay u bad
baado.
Waxaana
la sameeyay arinkii ayadoo labadooda si isku mid ah loo qalay, sidoo kale waqti
isku mid ah ayey bogsadeen, taasoo dhalisay in Cabdalla oo rafaad iyo bukaan
socod nimo ay ka muuqato uu xaaskiisa kusoo booqdo qolkii lagu qalay ayadoo
lagu howlan yahay in laga saaro.
Salwa
oo yaaban ayaa seygeeda weydiisay waxa ku dhacay, balse isagoo dareenkeeda
ilaalinaya ayuu u sheegay in uu safarkii kusoo daahay, isla markaana shaqadu ku
badatay.
Salwa
iyo Cabdalla labaduba si isku mid ah ayey u bogsadeen, 2 bil kadibna Allah ayaa
ku irzaaqay uurkii ugu horeeyay ee Salwa ay yeelato, waxa ayna arintaasi
dhalisay farxad iyo reyn reyn aad u weyn oo labadooduba ay aamini waayaan,
sidaas ayuuna cunugii ugu horeeyay ugu dhashay.
Balse
arinta ugu xiisaha iyo dareenka badan ayaa timid kadib markii Salwa ay maalin
maalmaha ka mid ah soo gashay xafiiska uu ka shaqeyn jiray ninkeeda, isagoo
xiligaas ka maqnaa, waxa ayna heshay Buugiisa xasuus qorka ah oo uusan waligiis
kasoo qaadin xarunta shaqada, waxa ayna guda gashay in ay aqrsi, balse wax ay
kala kulantay dhamaan wixii dhacay oo qoraal ah.
Runtii
Salwa oohin iyo amakaag ayey afka la kala qaaday, ayadooo dhamaan dareemaheeda
naxariista kaantarooli weysay, waxa ayna wacday seygeeda ayadoo sidaa caruurtii
u ooyneysa, Cabdalla oo yaaban ayaa weydiiyay sababta ka oohisay xaaskiisa,
waxa ayna durbadiisa Salwa awoodi weysay in ay suaashaas ka jawaabto.
Waxa
ayna taas bedelkeeda ku cel celisay: Cabdalla sidaan dhan miyaad ii jeceshahay
oo aad igu sabri jirta? Anigana wax aan ogahay miyaan kugu sameyn jiray? Runtii
Cabdalla ayaa fahmay in Salwa ay arinka ogaatay, waxa uuna isaga laf ahaantiisu
guda galay in uu dhinaciisa ka ilmeeyo,
Gaba
gabadii Sabirkii Cabdalla waxa uu dhalay in Rabbi SWT uu ka abaal mariyo,
isagoo 10 sano aan farxad iyo hurda fiican helin, ayaana mar qura noloshiidu
isu bedeshay dhinaca kale, xaaskiisuna wixi maalintaas ka danbeysay waxey
noqotay mid u dhaqanta si aan qoraal iyo filim intaba lagu sifeyn karin,
jaceylkii iyo wanaagii iyo waliba sabirkii ay kala kulantay Cabdalla awgiis,
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com