Si
fudud ayaan u maseyraa taasina waxaa ugu wacan jaceylka xad dhaafka ah ee aan
kuu qabo.wey fiican tahay inaad ogaato in qof uu niyada kugu hayo,kana welwelsan
in uu ku waayo.
Qof
ku jecel ayaa kuu maseyra! Maseyrka yar waa caafimaad laakin hadii uu xad
dhaafo waa sun ku dili karta ee ka fogow.
Haweenku
markey maseyrku ka sheekeynaayaan waxyaabo badan oo la yaab kugu noqda ayaa
dhagahaagu soo jiita ama aad isleedahay tolow maxey sidaas ula jeedaan,shaki
kuma jirin in maseyrku yahay cudur maskaxda ku dhacay qalbigna ku qarxa iyo
caloosha oo ku hurdana sambabaha ,haseyeeshee dadbaa u arka in maseyrku uu
yahay loo baahane oo qofka aanan kuu maseyreyna uusan ku jecleyn, haseyeeshee
ma’ahan in la fududeysto.
Fikrada
ah in haweenka ninkooda naag kale la wadaagto waxey ku ridaa dumarka kalsooni
daro iyadoo laga yaabo in ay markaasi bedesho dhaqankeedii hore lana soo baxdo
xeelado cusub oo wejiyo badan leh,haddii ay shalay daacad kuu aheyd maanta
waxaa macquul ah in ay ka fekerto wixii iyada dan ugu jiro oo keliya waaba
hadaaney furiin kaa dalbanine.
Maseyrka
haweenka ku dhaca waa wejiyo badan yahay qeybo badan ayuuna u kala baxaa marka
haweeneyda ninkeeda uu naag kale damco waa dareen dhiilo wata hadana waa tartan
dadban haweenka qaarkood waxa ayy ku mashquulaan in ay daryeel dheeri ah u
muujiyaan ninkooda, sida iyadoo ku dadaasha cunadiisa,dhankiisa iyo waxwalba oo
isaga ku saabsan iyadoo muujineysa in ay tahay tan aadka ugu fiican ee ku
haboon waxa ayna ka duuleysa in qof aan ayada aheyn farxad siin karin.
Qaar
baa ku mashquula keliya naftooda oo bilaaba 24 saac in ay habeysnaato,wax ka
bedesha habka lebiskeeda iyo muuqaalkeeda iyadoo isku muujineysa in loo arko in
ay ka qurux badan tahay qofta kale ee hawada soo gashay.
Qaarbaa
la yimaado xeelado dagaal ah oo nabadii oo dhan ka guurto holaca qalbigeeda ka
shidana banaanka soo dhigta waxaana maseyrka nuucaan ah haweenka xaafadaha u
yaqaanaan BUDWEYNE. wax ay qoftaasi dagaal ku kicisaa ninkeeda iyo naagta ka
xaday qalbigiisaba, maseyrka nuucan ahna wuxuu reebaa dhibaatooyin aad u
waaweyn oo laga yaabo in ay nafteeda iyo nafaha ku xeeran u geysan kara .
Rag
iyo dumarba marka loo fiiriyo qofna kuma qanci karo waxa uu isaga shaqsi ahaan
u leeyahay in lala wadaago,inkastoo ay jiraan rag jecel naago badsiga hadana
adigu makula tahay gabar yahey hadii uu ninkaagu qanacsan yahay inuu wax kale
raadin lahaa? ma isleedahay waad dabooshay baahiyaha ninkaagu uu qabo oo dhan?
W/Q
Fardowsa Maxamed Cabdulle
fardowsatina@yahoo.com
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
